Jimce Barkhadlihii Aan Weyneyn Jirray!

0
78
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, Febuary 3, 2018.(Saxafi) – Saddexdii bishan February waxa ay ahayd Jimce, waayaha qaar Hargeysa si weyn looga dareemi jiray oo laga xussi Jiray waa Jimce Barkhadlaha’e. balse, shalay aan la dareemin.
Nin magaciisa ku koobay Axmed-weli ayaa April 2, 2010. Wax ka qoray, isaga oo xaflad la mid ah oo dunnida reer Galbeedka ka dhacaysay ku xusuustay. Waxaa uu yidhi. “Jimce Barkhadlow maxaad ahayd?
Maanta waxa waddammadan qarbiga laga xusayaa Jimca Barkhadlaha ( good Friday), innaguna aan xusi doonno bisha dambe, waxaan xasuustaa siyaaradii iyo xafladihii lagu samay jiray tuulada la yidhaa Aw Barkhad leh, oo ku taalla degmada Hargeysa. Halkaasi oo sida la aamminsanaa loo tegi jiray cibaado. Dadkuna ay rumaysnaayeen, qofka saddex jeer tagaa in uu la mid yahay mid Xajka tegey.
Dadku waxa ay maqaamka ku yaalla tuuladaa geyn jireen xoolo, lagu qalo, lacag iyo Jaad lagu mirqaamo. Caa’iladaha qaarna waxa ay dhammaantood tegi jireen Aw Barkhadle, oo ay ka soo ducaysan jireen. Gaar ahaan waxa looga soo ducayn jiray carruurta, dadka buka iyo kuwa muraadka leh.
Maalintan Jimca Barkhadluhu waxa ay dadka u ahayd maalmaha ixtifaalaadka diiniga ah la sameeyo, ee la wada farxo, cunnooyin fiican la cuno, sida fiican loo labbisto, la digriyo. Dhallin yartana waxa ay u ahayd bar kulan oo sida aroosyada qof walliba calafkiisa ka raadsado, oo ay wada tuntaan habeen iyo dharaarba.
Xafladda Jimca Barkhadluhu waxa ay kor u qaadi jirtay ganacsiga waxana ay la iman jirtay xarako saa’id ah. Oo xoolaha aad loo soo iib geeyo amma aad loo kala iibsado, gawaadhida la raacayo la sii carbuunto, haddii kale aanad helayn gaadiid aad ku tagto Aw Barkhadle. Waxanan xasuustaa sidii ay Wajaale, Dilla, Boorama, Hargeysa iyo Burco u cammirnaan jirtay maalmaha u diyaar garowga Jimca Barkhadlaha amma maalintaasi.
Dadka qofka awoodi kari waaya in uu tago, waxa uu qali jiray neef amma waxa uu marti sharaf u ahaa qoys kale oo neefka awooday. Waxa kale oo ay hadyado ka sugi jireen dadkii siyaarada tegey, oo keeni jiray ciid cad oo carruurta iyo dumarkuba ay wejiga marsan jireen. Calaamad iska tallaab ah ayaanay wajiga marsan jireen. Waxa kale oo ay dadka siyaarada tegey ka keeni jireen, wax yaal ay odhan jireen waa barako, sida gurub ay ka soo jareen saantii xoolaha lagu qalay Maqaamka oo ay qacmaha ku soo xidhan jireen, qaarna ay saaxiibbadood ugu soo talo geli jireen. Cajalado ay ka duuban yihiin qasaa’idkii iyo dikrigii culumada ayaa iyana lagu dhageysan jiray makhaayadaha lagu qayiyo iyo majlisyada.
Sidii waayadii hore ma loo tixgeliyaa Jimca Barkhadlihii?
Culimada casriga ah iyo guud ahaanba dadka diinta u ehelka ah qaarkood waxa ay dhawaalaba ka sinnaayeen, in ay arrimahaasi u arkaan bidco amma gaalnimo yihiin. Isla markaana aanan loo baahnayn in diinta lagu xuso waxa ay dadku u yaqaannaan Jimca Barkhad laha. Culumada sii xag jirka ahina ay u arkaan in xabaalaha oo la siyaartaa ay gaalnimo tahay iyo wax yaal la mid ah. Iyaddoo ay jiraan culimo iyagu weli arintaas dabada hayaa oo u arka lidkeedda.
Laakiin, intii aan qurbaha Yurub joogay ayaan arkay iyada oo ay dadka diinta masiixiga iyo Yuhuudda haystaa ay xurmo gaar ah u hayaan Jimce sanadkiiba mar ku beegan, sidaasi daraaddeedna, loo fasax qaatay loona xafladaynayo.
Dabayaaqadii siddeetanaadkii oo aan Khaliijka joogayna maan arag wax hadal haya Jimce Barkhadle amma u xafladaynaya. Haddaba akhristow adiga sidee arrimaha Jimca Barkhadluhu kula yihiin.
Good Friday
Ahmedweli

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.