Berbera, Somaliland, December 21, 2015 (Saxafi) – Taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil gashaanle Xasan Maxamed Ibraahim ayaa ka warbixiyay kabtan masuul ka ahaa Markab la yidhaahdo Musii oo u dhashay dalka Romania ee bariga qarada Yurub oo meydkiisu in ka badan laba bilood uu yaalo qolka meydka ee dhakhtarka magalada Berbera.

Mar taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil su’aal laga waydiiyay kabtankan Markabka uu watay magaciisa iyo waxa uu siday ayaa waxa uu sheegay taliyuhu in Markabka magaciisu uu ahaa Muxsim, isla markaana ay wakiil u tahay shirkada Oomar, “Markabka magaciisa waxa la yidhaa Muxsim waxana wakiil ka ahaa shirkadda Oomaar, waxana Meydka sida ugu dhakhsaha badan loogu qaadi doonaa Meydka kabtanka Markabkaas dalkii uu u dhashay ee Romania”
Waxa kaloo uu sheegay taliyuhu in aanu sheegi karin asbaabta uu u dhintay kabtanka Markabkaasi, “Sababta uu u dhintay lama garan karo ama lama sheegi karro, laakiin, wuxuu ahaa nin saarnaa Markab uu kabtan ka ahaa muddo wuxuuna diiday fasaxaadi markii ay u tageen maamulka dekaddu. Nin yara xanuunsanaya inuu ahaa oo uu Dubia ka soo iisbadday daawooyina waa la sheegay, qolkiisii ayuu isku xidhay, markii uu furri waayay habeenkii labaad ayaa qolkiisii la jabiyay waxaana loogu tagay isaga oo meyd ah. ”
Ugu dambaynti taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil Xassan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Saaxil ay ka war hayeen Meydka kabtanka iyaddoo hawshiisu intaaba ay socotay si loogu qaado dalkiisa uu u dhashay. Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil gaar ahaan magalada Berbera ayaa ku war helay Meydka Kabtankan markii dhakhtarka la geeyey Meydka taliyihi ciidanka birmadka ee toddobadkii hore lagu dilay magaalada Berbera. Laakiin, waxaana uu sheegay sarkaalkani inay ka war hayeen.