WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Gobolka Awdal

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhawaanta soo saaray digreeto lagu kala saarayo labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiillada lana filayay inay sannadka dambe mar ka wada dhacaan dalka.

Wareegtadan ama dirgreetadan madaxweyne Siilaanyo soo saaray ayaa waxa uu u cuskaday arrimo siyaasadeed oo dalka ka taagnaa tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga dalka 1991kii,  arrimahaas oo xukuumadihii ka horreeyey awoodi kari waayeen sababo la xidhiidha xaaladihii dalka iyo duruufihii taagnaa intii ay xilka dalka hayeen.

SomlegalAds

In kastoo arrimaha ama sababaha Madaxweyne Siilaanyo u cuskaday kala saarista labada doorasho yihiin kuwa la garawsan karo, hase yeeshee dhinaca kale marka la eego waxay kala saarista labadan doorasho sii kordhisay shakiga siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidkaba leh ee ka soo horjeeda in wax laga beddelo heshiiskii dhex maray xisbiyada siyaasadda, komishanka iyo xukuumadda, kuwaasoo ay filayeen inay yihiin kuwa lama taabtaan ah una fulaya sidii lagu heshiiyey.

Kala saarista labada doorasho oo aan tan wakiilada weli loo qaban iyo tan madaxtooyada oo halkii aan laga dhaqaajin ayaa durba waxa ka biyo diiday qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo xisbiyada siyaasadda siiba masuulyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Marka laga tego saami qaybiga gobolada qaar ka doonayaan xukuumadda Siilaanyo, laguna daro qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan lixda goobood ee Awdal iyo Hargeysa anay weli ku kala bixin ayaa waxa ka sii daran xiisadaha wejiyada kala duwan leh ee ka taagan Bariga dalka, dagaal beeleedka Ceel afweyn,  lana barbar dhigo heshiiska iyo waanwaanta lgu soo dhaweynayo kooxda Khaatumo, doorashada Golaha wakiilada oo aan loo hayn xeer lagu maamulo, dibna loo eego muddo kordhintii loo sameeyay xukuumadda Kulmiye iyo arrimo kale oo qarsooniba marka loo fiirsado dad badan oo reer Somaliland iyo ajaanibka dalka ka caawiya doorashooyinkuba is weydiin karaan sida Somaliland ay uga dhici karaan doorashooyin wada socda ama doorasho keli ahi, shakina laga muujin karaa sida xitaa doorashada madaxtooyadu dalka uga dhici karto wakhtigii loogu talo galay ee March 2016ka, iyadoo aad moodeyso in xukuumaddu ku ambabartay arrimahaasi wakhti lix bilood ku dhawaad ay ka hadheen doorashooyinka la filayo, loona baahnaa in arrimahan murugsan ee isbiirbiirsaday xukuumadda looga baahnaa inay kala furfurto.

In kastoo la filayo in arrimo badan oo doorashooyinka sannadka dambe fudeydin kara xukuumaddu wax ka qabato arrimaha xasaasiga ahna siyaasad ku furdaamiso, hase yeeshee marnaba surtagal maaha inay dhammaystirto caqabadaha baajin kara in doorashooyinku ama doorashada madaxtooyadu wakhtigoodii ku dhacaan.

Marka laga yimaado arrimaha kale ee daafaha dalka ka taagan, arrinta ugu muhiimsan uguna culayska badan ayaa ah saami qaybsiga Golaha wakiilada ee horyaalla Madaweynaha, taasoo looga baahnaa in Madaxweyne Siilaanyo walkhti hore dacarna haka qadhaadhaatee go’aan ka qaato balse aan looga fadhiyin inuu kolba guddiyo, iyo ururro shicib ah u xil saaro go’aan ka gaadhisteeda sidaa darteedna

Ugu dambayntiina dadweyne iyo siyaasiyiin badan ay ka walaacsanyihiin muddo kordhin kale,  is qabqabsi kale iyo is aamin la’aan kale loona baahan yahay in xukuumadu shacbiga iyo siyaasiyiintaba tusto wadiiqo kale oo ay dib uga soo celin karto kalsoonidii lagu qabay in doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayso.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.