WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland September 15, 2016 (Saxafi) – Siyaasi professor Ismaacil Maxamud Hurre (Ina Buuba) oo ka mid ah aqoonyahanada ku xeel dheer siyaasada ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Somaliland iyo Somalia ee dhinaca siyaasadda iyo geedi socodka nidaamka dimoqraadiyada.

Professor Ismaacil Maxamud Hurre ayaa qoraal kooban oo  luuqadda Ingiriisiga ku qoran oo uu shalay  ku baahiyey ciwaankiisa khaaska ah ee Twitter-ka waxa uu ku  sheegay in sharciyada siyaasadeed ee dalka Somalia cago jilicsan ku taagan tahay, halka aasaaska Somaliland ee nidaamka dimoqraadiyada iyo siyaasadda ay ku fadhido cago adag ama la taaban karo, waxana qoraalkiisa oo af Soomaali idinku soo turjunay waxa uu u qornaa sidan “Waxa muhiim ah in la muujiyo in sharciyadda siyaasadeed ee dalka Somalia ku taagan tahay cago jilicsan, halka aasaaska la taaban karo ee dalka Somaliland ay dhul adag ku tagan tahay.”

Siyaasi professor Ismaacil Maxamud Hurre (Ina Buuba) maaha markii kowaad uu ka hadlo arrimaha siyaasada ama falaqaynta siyaasada labada dal ee Somaliland iyo Somalia ku kala duwan yihiin, islamarkaana 25 sanadood Somaliland illaa maanta aqoonsi caalaami ah aanay haysan, halka dalka la deriska ah ee Somalia oo gacmihii adduunka oo dhan kula jiraan siyaasadeeda hadanase wax naatijio ah ka muuqan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.