WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland September 15, 2016 (Saxafi) – Wasaaradda Maaliyaddda Somaliland ayaa la sheegay inay maamule cusub u magacowday Kastamka magaalada Kalabaydh, isla markaana xilkii ka qaaday maamulihii hore ee Kastamkaas.

Wasaarada maaliyadda si rasmiya umay shaacin xilka qaadista maamulaha kastamka magaalada Kalabaydh, balse wararka  aanu ka helayno magaalada Kalabaydh ayaa xaqiijiyey in wasaarada maaliyaddu xilkii ka qaaday maamulihii hore ee kastamka Kalabaydh Cabdirisaaq Muxumed Aaye, isla markaana loo magacaabay Cabdi Hargeysawi, waxana maamulihii hore ee kastamka Kalabaydh Cabdirisaq Muxumed Aaye uu xilka hayey muddo ku simaan sanad iyo badh.

Kastamka Kala baydh ayaa ah meesha labaad ee marka laga yimaado dekadda Berbera dhaqaalaha ugu badan ka soo galo, isla markaana waxa muddo markii la joogaba lagu sameeyaa isku shaan dheyn si maamule cusub oo dardar wataa shaqadda kor usii qaado, isla markaana aanu isku dhigan hadba maamulaha kastamadda waaweyn la geeyaa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.