WorldRemitAds

Ceerigaabo, Somaliland, September 15, 2016 (Saxafi) – Ciidamada Amaanka Gobolka Sanaag ayaa shalay magaalada Ceerigaabo ka raafay gaadiidka yar-yar ee dadweynaha (Bajaaj).

Taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag Gaashaanle Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay hawl galo ay ciidamada booliska gobolka Sanaag ku soo qabqabteen gadiidka  Bajaajta ama Tigaha iyo darawaliintii waday kuwaasi oo ay ku gureen xabsiga. “Nimco waliba nusqaan leh, intii magaaladda Ceerigaabo Jidadka laamiyadda ah yeelatay, waxaa ku soo batay Gaadiidkan Bajaajta loo yaqaan. Kuwaasoo badankooda ay wataan dhalinyarro aan buuxinin shuruudihii wadda marista oo aan haysan Liisan wadista ah. Xataa Qaarkood ma laha Lanbarkii Bajaajta. Sidaas darted, waxaan amar ku bixiyay in wixii aan sharci haysan la soo qabqabto” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu, waxaana uu intaas ku daray inay sharciga la tiigananayaan oo ay ku soo dabaalayaan xeerarka wadda marista. Islamarkaana loo baahan yahay in gaadiidka dadweynuhu noqdaan kuwo ay waddaan dad masuuliyiin ah oo qaadi karra xilka saaran, Islamarkaana uu sharcigooddu u dhan yahay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.