Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Xidigaha Geeska, Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax), ayay xaaladiisa caafimaad aad u soo fiicnaanaysa kadib markii shalay qalliin fudud lagu sameeyay, isagoo hadda jiifa Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isagu shalay ku booqday Abwaan Laab-Saalax Cusbitaalka uu ku jiro ee qalliinka loogu sameeyay, kaas oo sheegay in xaaladda Abwaanku wanaagsan tahay isla markaana ay u rajaynayaan inuu illaahaya caafimaadkiisa u soo wada celiyo.
Halkan hoose ka daawo:
Laab Saalax: Talooyin Uu I Siiyay Cawke!