WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, March 8, 2016 (Saxafi) – Qaybo ka mid ah Magaalada Boorama ayaa labadii bilood ee aan soo dhaafnayba la daalaadhacayay koronto la’aan saamaysay nolosha dadweynaha, ka dib markii ay cilado farsamo u fadhiisteen matooradii ama dabdhaliyayaashii shirkadda ugu weyn shirlkadaha korontada magaalada siiya ee loo yaqaan Boorama Power Stattion ama shirkadda laydhka ee Boorama, kuwaasoo ilaa maantana aan lagu guuleysan in dib loo hawlgeliyo.

Shirkaddan Laydhka Boorama oo ay ku midoobeen dhawr ka mid ah ganacsatada caanka ah ee Boorama ayaa qaybaha magaalada ee ay siin jirtay dabku una badan galbeedka iyo badhtamaha haatan u egyahay tuulooyin laga carraabo marka ay qorraxdu dhacdo, albaabada ayaana fiidkii loo laabaa badi meheradaha habeenkii laga shaqaynsan jiray, kuwaasoo u badnaa huteellada laga cunteeyo miisaska qaadka lagu iibiyo dukaamada yaryar ee cooshadaha ah, xitaa goobihii Internetyada, Super marketyo, bakhaarada qalabka dhismaha iyo xitaa xafiisyada shirkadaha.
Waxa labadii wiig ee ugu dambeeyeyba shaqo la’aan u fadhiya goobaha farsamada baabuurta ee korontada loo adeegsado sida alxanka, toostoosinta iyo hagaajintoodaba, waxana sidoo kale shaqo la’aan u fadhiya dad xoogsato ah, danyarta ah sida xamaaliinta habeenkii rogi jiray xamuulka gaadiika magaalada kasoo gala dhinaca Bariga iyo galbeedkaba, waxana weli aanay laydh la’aantani si weyn saamayn ugu yeelan meheradaha ama wershedeha haysta dabdhaliyayaal u gaar ah, sida wershedeha rootiga iyo huteelada waaweyn ee jiifka, kuwaasoo haysta dabdhaliyayaal u gaar ah, kana faa’iideystay qiimaha shidaalka ee hoos u dhacay, kana badbaadiyey in magaaladu rooti la’aan ku dhacdo. Waxa mugdi ah saldhigii Booliska, Cusbitaalkii guud xabsigii iyo badi dugsiyada habeenkii wax lagu baran jiray.
Intii laydh la’aantani ka jirtay galbeedka iyo badhtamaha Magaalada Boorama waxa magaalada daba qabsi ku noqday tooshashka baateriyada iyo qalabka ku shaqeeya Solarka ama qorraxda. Waxa kale oo safaf dhaadheer loo galay shirkadda Laydhka ee badi ka hawlgasha Bariga Magaalada ee loo yaqaan Aloog Power Station, taasoo iu maamulo ganacsadaha reer Boorama ee Idiris Xaamud Jibriil.
Shirkaddan oo iyadu qiyaastii 25% -35% koronto siisa Magaalada ayaa sidoo kale shuruudo ku xidhay macaamiisha cusub ee doonaysa inay ka soo digo rogtaan shirkadda laydhka ee kale, siyaalo kala duwanna u oggolaata ama u diidda macaamiisha cusub kuwaasoo lagu soo rogay inay saxeexaan foomam caqabad ku ah inay helaan laydhka shirkaddaasi. In kastoo aanay shirkadda Aloog lahayn awood ay ku dabooli karto baahida korontada ee Magaalada, hase yeeshee waxay shirkadda laydhka Boorama kaga wanaagsantahay dhinaca farsamoyaqaanada, kuwasoo joogto ka dhigay laydhka itaalka daran ee shirkaddaasi.
In kastoo masuulyiinta shirkadda Laydhka Boorama ku ballanqaadeen inay degdeg magaalada mugdiga uga saari doonaan matoorro cusubna rakibi doonaan, hase yeeshee Lama oga inta magaaladu ku sii jiri karto mugdiga lamana oga inta shirkadda Aloog kootada iyo cadaadiska macaamiisha cusub sii haysan karto.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.