WorldRemitAds

Argagax iyo amakaag ayaa kooxo dhakhaatiir ah oo reer Kenya ah ku dhacay ka dib markii ay sawireen Caloosha Maxbuus ka cabanayay, ka dibna ay ku arkeen ama sawirkii muujiyay in aalad culus oo aan calooshu awoodi Karini ku jirto.

Qaliin deg deg ah ayaa loo sameeyay Maxbuuskaas oo ka tirsanaa maxaabiista xabsiga Nafisha ee dalka Kenya. Markii qalinku dhamaaday ayay Dhakhaatiirtu shaaca ka qaadeen in caloosha maxbuuskaas laga soo saaray Telefoonka Gacanta lagu qaato ee mobile-ka loo yaqaano.

SomlegalAds

Sida dhakhaatiirtii qaliinka sameeyay sheegeen telefoonkan oo baci ku duubnayd ayaa loo malaynayaa in maxbuuskaasi liqay ka dib markii laga war helay si aan jidh dil loogu samayn.

Maxbuuskan oo ku xukuman xabsi daa’in ayaa la sheegay inuu telefoonkaasi ahaa mid uu isagu lahaa, oo si uu ku soo galayba xabsiga inuu ugu soo dhex galo ay suura gal u noqotay, balse markii la ogaaday ayuu isku dayay inuu liqo oo uu qariyo.

Hasa yeeshee markii calooshu xanuuntay ee uu joog iyo jiifba kari waayay ayaa maamulka xabsigu u dalbaday in la baadho, halkaas oo dhakhaatiirtii baadhitaanka ku samaysay ay codsadeen in loo diro baadhitaan Raajitada ama Ex-ray-ga ah, taas oo natiijadii lagu ogaaday in telefoon mobile ahii calooshiisa ku jiro, ka dibna waxa lagu sameeyay qaliin saacado qaatay oo lagaga soo saaray, telefoonkii.

“Maxbuuskaas oo ku xukuman xabsi daa’in ah ayaa loo badiyay in si qarsoodi teleefanka xabsiga loogu soo giliyay ka dibna uu liqay markii laga war helay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirtii qalinka ku sameeyay ninkan mobileka liqay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.