WorldRemitAds
Layaabka Adduunka: Tuugii Ugu Xatooyada Badnaa – Wiil kuray ah oo u dhashay dalka Britain ayaa maxkamad horteed ka qirtay in uu xaday, 381 Guri iyo lixdan gaadhi, xatooyadaas tirada badan oo ku qaadatay ama uu ku dhex jiray, muddo lix sanadood ah oo ka bilaabmaysa markii da’diisu ahayd laba iyo toban jirka.

Jariirada Daily Mirror oo iyadu warkan wiilkan yar baahisay ayaa sheegtay in kuraygan yar oo lagu magacaabo, Adam Crampton, da’diisuna tahay 19-jir, waxa u bilaabmi doona xukun afar sanadood oo xadhig ah, kuwaas oo uu ku qaadan doono xabsiga, si looga ciqaab mariyo danbiyadii dhalinyaro nimo ee uu galay iyo tuuganimadii uu gaystay.
Layaabka Adduunka Tuugii Ugu Xatooya Badnaa Jariirada ayaa sheegtay in boolisku raacay Adam ka dib markii ay u ogolaadeen in uu jeelka ka baxo, waxa boolisku ay ka dalbadeen in uu tuso guryihii uu xaday ee uu saqafka uga dhacay afar ka mid ah iyo sidii uu tuuganimadaa u fuliyay.
Wiilkan yar ee tuuganimada ku baloobay ayaa maxkamadda degmada Leicester, ka hor qirtay in uu yahay danbiile, waxaanu qiray in uu gaystay afar kiis oo tuugo ah oo lagu eedeeyay, maxkamadda horteedana loo keenay, sidoo kale waxa uu maxkamadda horteeda ka hor qirtay in uu gaystay tuugo uu kula kacay laba boqol iyo 281-Guri iyo lixdan gaadhi, dhamaan danbiyadaas oo uu tilmaamay sida uu uga xun yahay.
Maxkamadda ayaa sida wargeysku sheegay xukunka wiilkan soo saari doonta sadex iyo labaatanka bishan October ee aynu ku jirno, waxaana dhacdada wiilkan ka hadlay sida jariirada Daily Mirror sheegtay taliyaha booliska ee laanta Leicester oo lagu magacaabo, Andy Parks, kaas oo xusay in wiilkan carruurnimo iyo da’ yaraani qaaday danbiyo badan oo uu galayna aan laga abaal marin karin.
Mr. Parks isaga oo ka hadlaya arrinta wiilkan iyo dhacdooyinka tuuganimo ee uu ku talaabsaday muddada aadka u kooban ee cimrigiisa ka midka ah waxa uu yidhi, [Wiilkani waa mid da’diisa oo aad u yar bilaabay tuuganimada, taasina waa mid waajib ka dhigaysa in caddaaladu il gaar ah ku eegto oo ka hawl gasho sidii loo sixi lahaa noloshiisa inta ka hadhsan iyo sidii in tuuganimadu xun tahay loo dareen siin lahaa dhalinyaro tiro badan.”
Dhacdadan iyo tuuganimada xadigan leeg ee wiilkan dhalinyarada ahi ka hor qirtay, maxkamadda ayaa dad badan ka yaabisay, waxaanay dadka ka faalooda arrimaha carruurtu ku tilmaameen, dhaqan guur ku dhacay da’yarta reer Britain, oo heerka ay marayaan iyo danbiyada ay ku kacayaan ka badan yahay kana halis badan yahay kuwii jiilkii ka horeeyay ee dalkaas oo ahaa kuwo dhaqan ahaan wanaagsan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.