WorldRemitAds

Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle Oo Ka Hadlay Xaaladda Iyo Dhaqdhaqaaqa Ina Camey ga Puntland Ka Wado

Buuhoodle, Somaliland, June 2, 2018, (Saxafi) – Guddoomiyaha degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee gobolka iyo degmadiisa, Guddomiyaha oo ku sugan xarunta Buuhoodle ayaa sheegay in Madax xigaha Gaas uu yahay ninka soo jeeda deegaanka Buuhoodle isla markaana uu qirayo in la soo dhaweeyay, hase ahaatee ay cidda soo dhaweyntiisa isku hawshay ay ahaayeen dad uu ka sii shaqeeyay ka hor intii aanu soo ambabixin.

SomlegalAds

Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah khadka telefoonka ku siiyey Faysal Axmed Kaarshe ayaa sheegay in uu maalinimadii shalay soo gaadhay xarunta gobolka, isaga oo ay weheliyaan gudoomiye xigaha Baarlamanka Gaas, kaas oo laf ahaantiisu ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle waxaanu yidhi ”Maalinimadii shalay gelinkeedii hore ayuu soo gaadhay xarunta Buuhoodle madax xigaha Gaas ee Ina Camey, mana dafirayno in la soo dhaweeyey, hase ahaatee waxay ahaayeen dad gaar ah oo socdaalkiisa ka hor uu soo hawlgashaday iyo qaybo ka mid ah caa’iladiisa, safarkiisan oo warbaahinta laga dheehanayey waxa ku weheliyey Xaaji Waal oo ah ku Xigeenka Baarlamaanka Maamulkaa Puntland, intaa waxa weheliyey xoogaa istaaf ah iyo laba brawn oo uu watey, waxaanu kaga degey hotel meel koone ah kaga yaala magaalada oo lagu magacaabo ”Ileeye”, waxaanu dhaqdhaqaaqiisa barmaamij ee socdaalkiisu  ahaa mid uu ciidan ku doonayo 500 ah iyo tikniko, waxaana uu bilaabay maanta/ shalay gelinkeedii danbe kulamadiisii u horreeyey, runtii isimadii gobolka laba ka mid ah oo ku sugnaa oo kala ahaa suldaan Siciid Cismaan iyo Garaad Saleebaan Buraale iyo xubin kale oo wakiil ka ah garaad beelaha barkad ah oo dhawaan la sameeyay ayuu ka bilaabay, ka dibna kulamo waxgaradka gobolka ah ayuu guri u fadhiistay oo isaga daba noqonaya illaa hadda, waxaase xaqiiqo ah in shacabka gobolkani ay caado u leeyihiin safarada wafdiyada noocan oo kale ah in ay sacabka u garaacaan maalmaha hore, waxaana jira halkudheg caan ka ah deegaankan kaas  oo ah in marka hore wafdiga lagu soo dhaweeyo ”marxab marxab”, laakiin maalmaha danbe isu bedela ”wadac wadac wadac” xaqiiqo ahaana haddii aan qiimeeyey ahayna masuul muddo metelayey shacabkan aqoona u leh ma filayo in ay cidi ka raacayso, oo rabitaankiisani yahay mid u rumoobaya”.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu hadalkiisaa raaciyey ”Dadka deegaankani waa dad abaar dheer ka soo doogay isla markaana aan la yaab ku lahayn hoos cararka xoogaaga lacagta ah ee ka daadanaysa Ina Camay , laakiin waxa ah xaqiiq dhab ah mid soo bixi doonta marka uu ka ambabaxayo iyo waxa ka raaca taasoo aan hayo anigu inaanay jirin cid u diyaarsani”

Guddoomiyaha oo ka jawaabaya doorka Xukuumada Somaliland ee Gobolka Buuhoodle isla markaana loo baahnaa inay la qaybsadaan abaabulka ka dhanka ah iyo talaabooyinka ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan gobolkaa iyo degmooyinkiisa waxa uu yidhi, ”Horta gobolka waxa xiligan ku sugan aniga oo ah maayorka Degmada Buuhoodle iyo taliyaha qaybta booliiska ee Gobolka Buhoodle, hase ahaatee ma jirin door xukuumadeed iyo siyaasiyiin gobolka ah oo hawlgal ahaan loogu soo diray, anaguna waxaanu xoogga saaray wacyigelinta bulshada, anaga oo gaadhsiinaynay Farriinta ah in dagaalka Tukaraq uu yahay mid u yaala dadka degan ee xabaalahoodu yihiin, laakiin ninka Buuhoodle laga qaado ee ku dhintaa uu yahay gar iyo mag la’aan, iyo weliba mid ku geriyooday goob aan geeridiisa mudnayn oo laga aqoon, dhinaca ciidanka waxay ila tahay in su’aasheeda iyo ka  jawaabisteedu tahay mid u taalla jananka ciidanka iyo taliyayaasha uga masuulka ah”

Ugu danbayn Maayarka Buuhoodle waxa uu sheegay in dhegaha dadku maqlayaan ballanqaadyo ciidan oo beelaha ah loona sheegayo Ina Camey, hase ahaatee ninka Ina Camey uu u baahan yahay maanta iyo kan u ballanqaadayaa waa kala laba nin, mana aha wax run ah taasu, waxaana tusaale u ah taliyihiisii ciidanka gobolka ugu qorraa oo lagu magacaabo ”DALBAC” ayaan u joogi lahaa kaas oo markii uu soo galay u dhaqaajiyey magaalada Marqaan ee dhinaca Ethiopia kililka shanaad kuna maqan illaa hadda.

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku gebagebeeyey in ay shacabka Buuhoodle iyo shacabka deegaanka Qorulugod ay si iskaashi iyo feejignaan leh, taxaddarna leh xidhiidhka isgaadhsiintuna tahay mid aan ka kala go’ lahayn sidii aanu u ilaalin lahayn inay suurtawdo xaalad xanteeda laga dheregsan yahay oo odhanaysa dagaalka ayaa la soo rarayaa oo xarbul ahli dadka deegaanka ah ee ceel iyo carshin, isla markaana ood wadaag ah la kala dhex dhigo , iyadoo la soo noolaynayo colaado hore oo laga walaaloobay hawl badanina ka dhacday, mana dhacayso taasu ayuu yidhi gudoomiye Cismaan Yuusuf Maxamed.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.