WorldRemitAds
Ma Reer Somaliland Baa Habaaray Puntland, Turkiga Iyo Maraykankii Shirqoolka La Doonayay?
Dhawrkii bilood ee aan soo dhaafnayba waxa Somaliland amnigeeda iyo jiritaankeedaba looga taag la’aa maamul goboleedka Puntland, Turkiga iyo   dawladda Maraykanka, kuwaas oo indhawaaleba kulammo kala duwan la qaadanayey dad sheegta inay ka soo jeedaan Somaliland una ololeeya in Somaliland lagu daro maamul goboleedyadda hoos yimaadda dawladda itaalka daran ee Soomaaliya.

Ma yara dagaalka lagula jiro dalka, dawladda iyo shacbiga Somaliland, isla markaana caalamku halkii uu ka aqoonsan lahaa jiritaankooda waxa ay taas badalkeeda ku sii giijinayaan xadhkaha lagu go’doominayo. laba Bilood uun baana laga joogaa markii maamul goboleedka Puntland ay Badhan ka afduubeen hawlwadeenno ka shaqaynayey diiwaan gelinta codbixiyayaasha, waxana taa ka horeeyay kaam bayn maamulkaasi uu ciidammo iyo wafdiyaba ugu soo dirayay qaybo ka mid ah daafaha bari ee dalka Somaliland, si meesha looga saaro astaamaha maamul ee Somaliland.
Dawladda Turkiga ayaa iyadana la ogyahay sida ay iskugu mashquulinaysay midnimada Soomaaliya, una ololanaysay in Somaliland la hoos geeyo maamulka Muqdisho, waxana horeba dalkeeda ama magaalada Istanbuul, loogu qabtay wada hadallo aan midho dhalin oo lagu khiyaamaynayo reer Somaliland ilaa haatanna dawladda Turkigu aanay ka hadhin dibin daabyadaasi, iyadoo haatan  lagu eedeeyay inay dalka ka ugaadhsanaysa hogaamiye dhaqameedyada si loo wada hada shiiyo dhigooda reer Koonfureedka ah, kulankaasoo haddii uu qabsoomo Somaliland u horseedi kara in sannadka soo socda lagu daro maamul goboleedyada Soomaaliya.
Haddaan eegno dawladda Maraykanka, waxay safaaraddooda Nayroobi ka waddaan kulammo Cali Khaliif ku doonayo inuu beelaha Bariga Dalka been ugu  sheego si uu maamul goboleed ugu ololeeyo dhulkaasi, taasoo uu ku fashilmay ilaa hadda markii dadka dhulkaasi iska diideen qorshihiisa.
Haddaba, marka la eego shirqoollada dalalkaasi iyo maamul goboleedkaasi la maagganaayeen Somaliland ayaa cid kastaa maanta ogtahay waxa iyaga ku dhacay oo u muuqan karta dhibaatadii ay la doonayeen dalkan in ay iyaga ku dul dhacday.
Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo ayaa reer Puntland illawsiisyey dhibaataday la maagganayeen dadweynaha, sidoo kalena Turkiga waxa ku dhacay ayaa la ogyahay markii uu soo riday diyaarad laga lahaa Ruushka, halka dalka Maraykankana wiil iyo gabadh ku noolaa ay toogasho ku laayeen dad badan oo Maraykan ah, sidaa darteedna waxaad mooddaa in dhacdooyinkani jawaab u ahaayeen duco reer Somaliland ay ka ducaysanayeen in Ilaahay garab mariyo sharka kaga imanayay dalalkaasi, cid kastoo cadow ku ah shacbiga dalkanna belaayo lagu sallido, meel kalena looga yimaaddo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.