WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 6, 2015 (Saxafi)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise Xaglo Toosiye ayaa beeniyey warar sheegaya inuu damacsan yahay inuu iska soo dhex sharaxo xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Wasiir Xaglo toosiye ayaa sheegay in mudadda u hadhsan madaxweyne Siilaanyo uu la dhamaysanayo, isla markaana uu dalka iyo dadkaba u shaqayn doonno.
Sidoo kale, waxa ka hadlay dhibaatooyin haysta cisbitaalka Burco oo uu sheegay inay sabab u ahayd hay’addii ka shaqayn jirtay oo ka baxday ka dibna ay xukuumaddu damaanad qaaday kharashka uu u baahan yahay taas oo hadda laga bilaabo uu filayo inuu si fiican u shaqayn doonnno.
Wasiirka CaafimaadkaUgu horeyn isagoo ka waramaya ujeedadda safar uu ka soo laabtay ee Kenya, waxaanu yidhi “Waxaanu hawlo shaqo u baxnay Nairobi, waxaana ahayn laba wasiir, gudoomiyaha maxkamadda sare, agaasimeyaal, waxaana kulanay hay’addo badan iyo safaaraddo waxaana ka helnay inta badan hawlihii u soconay, waxaana gudoomiyihii maxkamadda sare iyo wasiirkiii Arrimaha dibaddu iyagu nooga hadheen waxay nagaga hadheen hawlo shaqo oo illaa Arbacadda ayey iman doonaan”
Wasiir waxa la waydiiyey in guddida dabagalka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda ay ka dayriyeen xaaladda uu ku sugan yahay cisbitaalka guud ee magaalada Burco, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay “muddo laba sanno ah shaqo gaaban way ka jirto cisbitaalka Burco, waxaana sabab u ahayd hay’addii ka shaqayn jirtay ayaa ka baxday, waxaana xukuumad ahaan anaga kabaynay, meel wacaan hadda uu marayaa, dhibaatadda ka jirta waa loo dadalaayaa”.
Mar kale waxa la waydiiyey wasiir Xaglo Toosiye wararka sheegaya inuu damacsan yahay inuu iska soo dhex sharaxo xisbiga mucaaradka ah UCID, waxaanu yidhi “Anigu tartanbaan galay, waanna haneeyey, khudbadaydiina waad dhagaystay, waxaana anigu u shaqaynayaa waa dadka iyo dalka, mana jiro waxbana kama jiraan arrintaasi, waana dacaayad iyo baro bagaandho, inta xukuumada madaxweynaha ka hadhsan dadkaan u shaqeynayaa”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.