Hargeysa, Somaliland December 6, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Cismaan Cabdilaahi Saxaradiid (Cadaani), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airways, kuwaas oo la sheegay inay wadeen sahan indho indhayn ah.
Kulankan waxa wasiirka ku weheliyey agaasimaha guud ee wasaaradda duulista Somaliland Cumer Cabdilaahi Aadan, agaasimaha waaxda duulimaadyada Siciid Mahadi Ileeye (Saqiiro), maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil, dhinaca weftiga shirkada Turkish Airways, waxa hogaaminayey qunsul ku xigeenka xafiiskooda Hargaysa, waxana ay Waftigu ka koobnaayeen Laba Khabiir dhinaca duulimaadyada Senol Sakali iyo Ahmed Tomul, waxaana kulankaasi markii uu dhamaaday ka war bixiyey Wasiirka Duulista, waxana uu hadalkiisu u dhigna sidan “Maanta oo ay bishu tahay 05/12/2015, waxaa halkan noogu yimi Shirkada Turkish Airlines, waxaanay runtii danaynayaan inay ka mid noqdaan Diyaaradaha yimaada Somaliland, gaar ahaan Madaarkan Hargeiysa ee Egal International Airport ,waanu wada hadalnay, waxaanu isla afgaranay oo aanu isla eegnay Agaasimaha guud, Agaasmiha Waaxda
Duulimaadada ee Wasaarada iyo Maamulaha Madaaarka Egal International Airport ,waxaanu isla garanay inaanu siino wax alla iyo wixii macluumaad ah ee madaarku leeyahay ee ay u baahan yihiin ,iyagana aanu ogaano waxay ka rabaan Somaliland, Madaarka ay imanayaan mooyane ,haday Maalgalin ka samaynayaan Madaarkan ama Madaarada kale, oo aanu isla eegno Wasaarad ahaan inaanu siino hadaanu labadayadu isla qaadano inay yimaadaan madaarka,” “inaanu anaguna markaa ka fekerno anagoo eegayna waxay dalka ku soo kordhinayaan, haday maalgalin tahay Madaarada, iyo haday tahay xaga Shaqaalaha Wasaaradaba, inaanu siino fasaxii ay ku imanayeen Egal International Airport.”ayuu raaciyey hadalkiisa.