Hargeysa, Somaliland, December 6, 2015 (Saxafi) – Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADANI Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka hadlay dhacdo mudahaarad lagu sheegay oo ka dhacday magaaladda Gabiley taas oo la sheegay in lagu diidana wefti xisbigaasi ka tirsan oo magaaladda gaadhay.
Boobe Yuusuf Ducaale ayaaa dhacdaasi ku eedeeyey xukuumaddu inay ka dambaysay, isla markaana sheegay in aan weli qof loo qaban ama aanay ka hadal masuul ka tirsan xukuumadda taasina waxa uu sheegay inay cadeyn u tahay inay xukuumaddu ka dambayso.

Saddexda Xisbi meel wal oo dalka ahba waa ay tegi karaan, ka hadli karaan, iska sharrixi karaan. Waa xeer iyo xaagaan. Dalka, gobollada iyo degmooyinku uma xidhna Xisbiga Kulmiye. Farriimaha caynkan ah Madaxtooyada iyo Xisbiga Kulmiye waxay ku hurinayaan dagaallo sokeeye oo dalka ka bilaabma doorashadana dib loogu rido. Farriimahan sadhaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lgu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo’o oo qolaba meel sheegato sidaasna Xisbinnimadu ku baaba’do. Xukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin.
Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran ee dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba ka arradan ee kiishkii Cawaale sheegay ee aan buuxsamayn sidata, kaas oo ilaa London dabadiisu joogto.
Garriye, miyaanu hore u odhan:
“Dhurwaaga ciyaaya,
Cabaadku naf weeye,
Cadceed galabeedku,
Godkay cidhif joogto,
Dan bay ugu ciirin,”