WorldRemitAds
Stockholm, Sweden, December 22, 2015 (Saxafi) – Maayarka  Hargeysa ee caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa shalay heshiish la saxeexday dawladda hoose ee Stockholm ee caasimaddda Sweden.

Heshiishkan ayaa noqonaya mid lagu mataanaynayo labadda caasimadood, isla markaana aqoon korodhsiyo iyo tobabaro la isku waydaarsan doonno.
Maayarka Hargeysa iyo Xoghayaha D/H ee StockholmHeshiishkan waxa kala saxeexday Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Stockholm ee Sweden Mr. Lars Rådh, CEO City of Stockholm, kaasi oo ka dhacay caasimadda Stockholm ee dalkaasi.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid ayaa soo dhoweeyey heshiishkan, isla markaaana ku tilmaamay mid taariikhi ah, isago xusay in markii ugu horeysay heshiish iskaashi dhexmaray caasimad ka mid ah kuwo Reer Yurub, isla markaana tobabaro siin doona shaqaalaha Dawladda hoose ee Hargeysa iyo xildhibaanadda golaha deegaankaba.
“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaanu saxeexnay heshiiskii Stockholm iyo Hargeysa, aadbaanan ugu faraxsanahay, cidkasta oo Hargeysa horumarkeeda jecelina sidaasay ugu farxaysaa, dhinaca Stockholm waxaa u saxeexay Lars Rådh, CEO City of Stockholm” ayuu yidhi maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko.
Maayara Caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in heshiishkan fududeyn doonno in weftiyo is waydaarsadaan labadda caasimadood, isla markaana xildhibaanadda labada degmo xidhiidh wada shaqayn iyo tobabaro xaga waayo aragnimada ah is waydaarsan doonaan.
Maayarka Caasimadda ayaa mudadii uu xilka maaayarnimo hayey ku talaabsaday horumar balaadhan, waxaanay dhowaan soo iibsadeen qalab dhamaystiran oo ah nooca wadooyinka casriga ah lagu dhiso, iyadoo hadda ay ku jiraan shaqaalihii ka shaqayn tobabar.
Dhinaca kale, waxa toddobaadyaddii u dambeeyey caasimadda degmooyinkoodda ka socday olole cashuur ururin ah si wadooyinka iyo adeegyadda caasimaddu u baahan tahay ugu fuliyaan, taas oo meel fiican u maraysa.
Masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa balanqaaday in sanadaha soo socda horumar baaxad leh ku talaabsadan doonaan, isla markaana ay u qorsheysan tahay warshaddo yaryar oo dhalinyaraddu shaqo ka hesho caasimada uga hirgalin lahaayeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.