WorldRemitAds
Xisbiga Waddani oo ka mid ah Mucaaradka Somaliland ayaa in muddo ahba laga sugayaa inuu golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisaba u qabto shirweyne xisbigaasi kaga tashado mustaqbalkiisa siyaasadeed, doorashooyinka iyo dib u habayntiisaba.

Xisbiga Waddani oo haatan maraya marxalad u eg inuu maray tii xisbul xaakimka Wakhtigan ee Kulmiye marayey 2009kii, wakhtigaasoo uu la ciirciirayay taageerayaal kusoo biirayey iyo siyaasiyiintii ugu miisaanka badnayd dalka marka laga reebo kuwii xisbul-xaakimkii Burburay ee UDUB iyo dawladiisii.
Mucaaradka xisbiga WaddaniXisbiga Waddani ayaa sidoo kale maraya marxalad xisbiyadii kula tartami lahaa doorashooyinka soo socda ee 2017-ka ay ka nixiyeen khilaafyo wejiyo kala duwan leh oo qaybo ka mid ah siyaasiyiintii u soo guntaday xisbiyadaasina qaarkood debedda uga baxeen kuwaas oo qaarkood weli siyaasadda ama xisbiyada kalena debedda ka jooga.
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo isu dhigay inuu shan sanadood ku soo gaadhay jaranjaradii Kulmiye ku qaadatay 8 sanadood, dhawaanna soo saaray buugiisii caddaa ee uu ku beddeli lahaa buugii akhtarka ahaa ee Kulmiye, ayaa sidoo kale haysta maanta  siyaasiyiin iyo masuulyiin hore oo aaminsan   in Kulmiye dayacay, sidaa darteedna Waddani yahay kan keliya ee ay kaga aargoosan karaan xisbul-xaakimka wakhtigan iyo dawladiisaba  hase yeeshee, guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi haatan u muuqda in hawsha u ka hayo golaha Wakiilladu illowsiiyeen hawshii xisbiga iyo sidii uu u kala guri lahaa siyaasiyiinta damaca siyaasadeed ka leh  xisbigiisa iyo sidii uu uga faa’iideysan lahaa  fursadaha maanta u haysto.
Guddoomiye Cirro oo aan lagu haysan musharraxnimadiisa mansabka Madaxweynaha ee doorashooyinka soo socda, ayaad sidoo kale mooddaa inaanu  kaba war haynin loolanka siyaasadeed ee ka dhacaya xisbiga gudihiisa, gaar ahaanna musharraxnimada mansabka Madaxweyne ku xieenka iyo hogaaminta hadii u doorashooyinka ku guuleysto.
Qaybo ka mid ah dadweynaha Gobolka Awdal oo badi taageerayaashii xukuumaddii dhacday ee Rayaale ka dhursugayaan in Waddani dib ugu soo celiyo saaxadda siyaasadda ee ay ka baxeen tan iyo burburkii UDUB ayaa dhinaca kale u muuqda kuwa durba shaki ka galay guusha iyo guuldarada Waddani doorashooyinka soo socda, olole qarsoonina kaga imanayaa dhinaca xisbul xaakimka, laguna sheegaa in xisbiga Waddani yahay mid beeli isku koobtay run iyo been midkay doontaba ha ahaatee. 
Haddaba, iyadoo goor hore loo baahnaa in xisbigu uu shirweyne u qabto golhiisa dhexe  oo lagu soo dooran lahaa inta damaca siyaasadeed leh, sidoo kallena dadka qaar u arkayeen in loo baahnaa in Guddoomiye Cirro dedejiyo sidii uu u bannayn lahaa guddoomiyenimada wakiillada, ayaad moodda in dib u dhaca ku yimi arrimahaasi durba xisbigaasi ka dhigayaan mid soo gaabinaya xawligii uu ku socday, dibudhacyada xisbigaasi uga imanaya  shirweynihiisana, waxaa loo fasiran karraa  arrimo door ah, oo ay ka mid yihiin khilaaf qarsoon oo xisbiga ku dhex jira, kala saarid la’aanta siyaasiyiinta xisbigaasi,  musharraxiinta iyo taaeerayaasha, duruufo dhaqaale iyo cabsi kale oo masuulyiinta xisbigaasi ka qabaan in wixii Kulmiye iyo UCID ku dhacay halaan, sidaa darteedna u aam usnaanta dan mooday, hase yeeshee ilaa intee ayey soconaysaa  taasi weeye su’aashu?

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.