WorldRemitAds
Baladweyne, Somalia, December 22, 2015 (Saxafi) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka dalkaas ayaa shalay booqday magaalada Baladweyne oo dhawaan dagaal ka dhacay.

Xubnahan ayaa la wariyay inay bilaabeen markiiba kulamo kala duwan iyo wadda-tashiyo ay la yeelanayaan Siyaasiyiinta, Wax-garadka, odayaasha-dhaqanka, Haweenka iyo Qaybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.
Booqashada BaladweyneXasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen [Odawaa], Wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha, wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka caafimaadka, xildhibaanno, taliyaha ciidammada iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta arrimaha dib-u-hishiisiinta, xalinta dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne iyo xiisadii ka dhalatay dil bishii hore badhtamaha magaalada loogu geystay sarkaal ka tirsanaa QM gaar ahaan hay’adda miino baadhista UNMAS Mahdi Xusseen Sheekhaal oo wali kiiska dacwadiisa ay gacanta ku hayaan laamaha ammniga dowladda.
Hase ahaatee, kulammada ugu badan ee wafdiga madaxweynaha iyo odayaasha-dhaqanka ayaa lagaga wada-hadli doonaa qorshaha dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo khilaaf cusub uu ka soo shaac-baxay, kaddib wareegto uu doraad  madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in gogosha dhismaha maamulka labada gobol la dhigayo Jowhar halka degmada Buula-burta -na wareegtada lagu xusay in ay noqoneysa xarunta maamulka dhismaya.
Odayaasha dhaqanka oo saacado ka hor intaanu tagin madaxweynaha Somaliya kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga hor yimid wareegtada Xassan Sheekh oo ay ku tilmameen inay tahay mid kali-talisnimo ah waa sida ay hadalka u yidhaahdeenne, isla markaana aan u faa’ideyn doonin dhismaha maamulka labada gobol.
Odayaasha ayaa sheegay in aanay marnaba ka tanaasulin doonin mowqifkoodii ahaa in gogosha dhismaha maamulka labada gobol la dhigo degmada Beledweyne ay ka fidsan tahay sida ay hadalka u dhigeen muddo ka badan sideed bilood gogol dib-u-hishiisiin ah.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo saddexda cisho ee soo socta sii joogi doonna magaalada Beledweyne, ayaa lagu waddaa in ay bilaabaan kulamo gooni-gooni ah oo ay la qaadanayaan siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka, iyaga oo xoogga saaraya sidii meesha looga saari lahaa khilaafka ka dhashay wareegtada madaxweynaha.
Xasan Sheekh oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu mudadda uu joogo magaalada Beledweyne dhageysan doono tallooyinka iyo aragtida bulshada ku nool gobolka gobolka si la iskula meel-dhigo arrimo badan oo u baahan in xal loo helo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.