Djibouti, December 22, 2015 (Saxafi) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 35 kallena waa ay ku dhaawacantay iska hor imaad shalay ka dhacay xaafadda Jago Buldhuq oo ka mid ah degmada Belbala ee dalka Djibouti.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga hayo iska hor imaadkan ayaa waxaa ay tilmaamayaan in ay ka dhalatay shalay subax markii dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen munaasabad Siyaaro ah oo sannad walba la qabto oo lagu xuso Sheekh Yoonis Muuse oo ka mid ah odayaasha beelweynta Ciisaha.

Dooda Mucaaradka
Madaxda Dalada mucaaradka ah ee USN ayaa sheegaya in ciidamadda boolisku xasuuq u geysteen dad shacab ah oo waan waxba galabsan, waxaana ay intaas ku dareen oo ay tirada dhimashadda gaadhsiiyeen ilaa 15 qof iyagoo tilmaamay in tiro badan oo kallena dhaawacantay.

Wararka dhinaca mucaaradku waxaa kale oo ay sheegayaan in sidoo kale dhaawacyo loo geystay qaar ka mid ah madaxda dalada ururada Mucaaradka ah ee USN oo kulan deg deg ah shalay isugu yimid ka dib dhacdadan hore.

Waxa sido kale wararka aan helney sheegayaan in dhaawacyo ay gaadheen wasiirkii hore ee awqaafta iyo diinta ee dalka Djibouti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan.
Cabdiraxmaan Maxamad Geelle oo ka tirsan madaxda dalada USN ahna xoghaya guud ee xisbiga RADD, ayaa isna la wariyay in xabsiga la dhigay.
Dhinaca dawlada
Taliyaha booliska Jabuuti Cabdillaahi Cabdi Faarax ayaa isna geestiisa sidan uga hadlay rabshadaha dhacay “Arrin fool xun oo aan waligeed Jabuuti laga arag ayaa na qabsatay. Arrintaas oo ah qolo siyaasiyiin ah oo dad ku daba dhuummanaya oo dibadda ka soo talinaya oo dad dhalinyaro bilaa camal ah iyo dad baadiye u badan maskaxda u soo galiyay in dawladda lala dagaallamo,kuwaasi oo ay soo hubeeyeen, halkaana ka abuureen xaalad dhimasho iyo dhaawacba leh,” ayuu yidhi taliyaha oo intaasi raaciyay in ilaa 36 Askarta ka mid ah dhaawacyo qaarkood xabad tahay soo gaadheen.

Warsaxaafadeedkan waxa kale oo lagu sheegay in ay ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen todoba qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin dhacadadan, waxaana hada socda hawlgalo baadhitaano ah oo ay wadaan ciidamada ammaanku.