WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 20, 2015 (Saxafi) – Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka hadlay aragtidiisa xidhiidhka Somaliland iyo maamulkiisa ka dhexeeya, wuxuuna Soomaalida guud ahaan ku booriyay in Al-shabaab meel looga soo wada jeesto, isagoo ku dooday in loo baahanyahay in madarasadaha afkaarta xagjirka ah dhiga laga tirtiro geeska Africa.

Ugu horayn isaga oo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia waxa uu yidhi “Qorshaha koowaad Ethiopia waxa weeye in hab wanaagsan oo caddaalad ah oo lexejeclo leh ay kula noolaato wadamada dariska. Waxan odhan karaa Somaliland na labada guri ee jaarka ahi, waxa diinteena iyo dhaqankeenaba ah in guriga jaarka ah qofba qofka kale soo bariidiyo oo yacnii waajibaad baa ka saaran. Markaa nabadgalyada Ethiopia waa nabadgalyada Somaliland ayaan dhihi karaa, nabadgalyada shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia waa nabadgalyada shacabka Somaliland isku cadawna way yihiin oo Argagixisada meel ayaa looga wada jeedaa, waxayna tahay waxa Ethiopia u dan ah ayaa Somaliland u dan ah oo ah nabadgalyo, horumar iyo maamul suuban,” ayuu yidhi Hogaamiyaha DDSI.

ilayCabdi Maxamuud Cumar, oo isagoo joogay Aaskii Wajaale ee Marxuum Axmed Xasan Cawke u waramay BBC-da ayaa la waydiiyay sida kooxdii Wabar u joogtay Ethiopia “Markaynu xaqiiq ka hadalno, dawladda Ethiopia iyo dawlad deegaanka Soomaaliduba, cadow Somaliland ahi marnaba ma joogayo Ethiopia ama hub ha wato ama yaanu wadane. Nin sharci darro ah oo Somaliland ka soo gudbay inaanu joogin dalka Ethiopia waa siyaasadda arrimaha dibada ee Ethiopia, anaguna taanu fulinaynaa waxa weeye siyaasadda wasaaradda arrimaha dibada Ethiopia,” ayuu yidhi madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia.

SomlegalAds

Madaxweynaha dawlad deegaanka Ethiopia oo wax laga waydiiyay isu socodka ganacsiga labada dal ayaa sheegay in shirkii u dambeeyay ee Somaliland iyo Ethiopia ku yeesheen dalka Ethiopia lagu heshiiyay in wixii ganacsi ah la waafajiyo shuruucda labada dal, islamarkaana aanay Ethiopia soo galin kotarabaan ka dhan ah sharcigooda, halka Somaliland aanay soo gali doonin wax sharcigeeda khilaafsan.

Ugu dambeyn waxaa fursad loo siiyay bal inuu umadda Soomaalida ah farriin u diro waxaanu yidhi “Umadda Soomaalida ah waxaan leeyahay hal cadow ayaa jire ee waa in indho gooni ah lagu eego. Cadowgaasi waa maxay? Waa nimanka Al-qushaash la yidhaahdo anigu Al-shabaab uma aqaannee, waa in Geeska Africa Soomaalida ku nooli isku aragti ka noqoto. Anigu ninka qoriga sita oo kaliya Al-shabaab uma aqaanno, madarasadaha fikirka Al-shabaab dhiga laftooda waa in geeska Africa laga baabi’iyo, waayo? Qofku markuu qoriga sito ama is qarxinayo waa shakhsi,” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

Somaliland iyo Ethiopia ayaa dhawaan heshiis dhinaca ammaanka ah ku gaadhay magaalada Diridhaba ee Ethiopia, kaasi oo soo afjaray kooxdii Suldaan Wabar ee ku dhuumanaysay degaanka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, sidaasina ay Somaliland isugu soo dhiibeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.