WorldRemitAds

Oodweyne, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee habeen hore  u hoyday Burco ayaa saaka u kicitimay dhinaca gobolka Daadmadheedh oo ay xaalad abaareed ka jirto, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay halkaasi waxa uu xadhiga ka jaray ceel-biyood laga hirgeliyey Ceel-xumo oo taariikhda markii u horaysay yeelan doonta ceelbiyood humiima.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu u kuurgalay xaalada xoolaha ku dhaqan gobolka oo markaasi qaybo ka mid ahi ku sugnayeen ceelasha gobolka, waxa kale oo uu madaxweynuhu la kulmay kooxaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo iyagu hawlgal talaalka xoolaha ah ka waday gobolka daadmadheedh.

Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerkiisa ayaa uga sii gudbay dhinaca magaalada Oodweyne oo si labaadhan loogu soo dhaweeyey weftiga Madaxweynuhu horkacayey, iyagoo u dhaafay dhinaca xaaxi oo iyadana laga hirgeliyey Ceel-biyood ku dhaw inuu dhamaado bishan dhamaadkeeda balse biyo laga gaadhay hadda.

SomlegalAds

Kormeerkaasi dheer ka dib madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku soo noqdeen Magaalo madaxda daadmadheedh ee Oodweyne waxaanu la kulmay madaxweynuhu guddida heer qaran iyo heer gobol ee abaaraha Somaliland, waxaanu madaxweynuhu guddida ka dhegeystay xaalada guud ee abaarta gobolka iyo ta deegaanada ka agdhaw, warbixintaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku wareejiyey guddida Jeeg lacag ah oo loogu talogalay in boqol booyadood oo biyo ah loogu dhaamiyo dadka iyo duunyada jilicsan een awoodin inay u arooraan ceelasha cusub ee la furay iyo meelo kaleba. sidoo kale waxa uu madaxweynuhu guddida ku wareejiyey Timir iyo Kalluun loogu talogalay in dadka jilicsan loo qaybiyo gaar ahaan dadka nafaqo darada la tiicaya.

Madaxweynaha oo ka hadlay furitaanka Ceel-xumo ayaa yidhi “Farxad weyn ayey itahay in aan maanta ceelkan furo, baahi weyn ayaa loo qabaa, aad iyo aad ayaa dadka, dalka iyo duunyaduba ugu baahan yihiin ceelashan oo kale, kuligeena farxad weyn ayey inoo tahay waana mid wax weyn u tari doona bulshada Insha Allaah”

dhinaca kale Madaxweynuhu mar uu ka hadlay Ceelbiyoodka Xaaxi ee bishan dhamaadkiisa la soo gebegebayn doono waxa uu yidhi “dedaal weyn ayeynu ugu wada jirnaa sidii dadkeenu u heli lahaayeen biyo ku filan miyi iyo magaalaba, ceelkan Xaaxina waxa uu ahmiyad weyn ugu fadhiyaa dadka deegaanka iyo inta abaartu soo barakicisay wanan ku faraxsanahay in aynu maanta xadhiga ka jarno dhawaana laga cabidoono insha allaa”

Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu shir la qaatay guddida abaaraha gobolka  Daadmadheedh iyo guddida heer qaran ee abaaraha, waxaana weedhihii madaxweynaha ka mid ahaa “Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga jebiyo, dalkana waxa aanu u maraynaa in aanu xogogaal u noqono dhibaatada dadka haysata Ilaahayna u barino inagana dulqaado dhibaatadaa, annagu marwalba waxa aanu diyaar u nahay dawlad ahaan in wax alle wixii aanu qaban karno ee Ilaahayna nala qabto aanu qabano, dadka iyo duunyadaba, idinkana waan idinka mahadnaqayaa sidaad noo soo dhawayseen ee wanaagsan, waxaana aanu ku dedaalaynaa meel aanu wax ka keenaba in aanu ummadda wax la gaadhno”

Dhamaan goobihii madaxweynuhu marayey maanta waxa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Madaxweynenimo ee Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh, Maayarka degmada Oodweyne,Wasiiro, xildhibaano, Xubno ka mida guddida heer qaran iyo heer gobol ee abaarayaha, madaxdhaqameed, waayeel iyo waxgarad, waxaanu Madaxweynuhu galabta ku soo laabtay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.