WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa jilaaga filimada matala ee caanka ka ah, dalkiisa iyo dunida inteeda badan u doonay gabadh reer Morocco ah oo dhawaan ku guulaysatay tartanka boqorada quruxda sanadka 2016-ka.

Aktarka Murat Yildirim waxa uu ka mid yahay, jilayaasha filimada musal salada ah ee dalka Turkiga ugu caansan, waxaanu si wayn ugu soo shaac baxay Filimkii “Asi” Ama Caasi oo uu Amiir ku matalayay, kaas oo sanadihii 2007 ilaa 2009-kii, qabsaday dunida carabta iyo meelo badan oo ka mid ah aduunka.

Murat Yildirim waa 37-jir, waxaanu dhashay bishii April ee sanadkii 1979-kii, waxa uu guursaday oo uu Madaxweynaha dalkiisa Recep Tayyip Erdoğan, u doonay qalanjadii tartanka quruxda hablaha reer Morocco ku guulaysatay sanadkan 2016-ka, oo lagu magacaabo, Imane Elbani.

SomlegalAds

Boqorada Quruxda ee dalka Morocco Imaan Albaani ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Madaarka magaalada Istanbul oo ay ka degtay maalintii shalay, halkaas oo kooxda Muusikada ciidamada Turkigu soo dhawaynteeda ka qayb galeeen.

Waxa kale oo isna qaabilay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo si diiran u soo dhaweeyay, ka dibna la hadlay aabaheed oo ku sugan Morocco oo uu kala hadlay xidhiidhka Face Time-ka loo yaqaano.

Madaxweynaha Turkiga ayaa aabaha dhalay gabadhan oo hore ugu hibeeyay xidigan guursaday, mar labaad ka codsaday inuu aqbalo meherka oo ka madaxweyne ahaan noqdo markhaatiyada goob jooga u ah meherka Murat Yıldırım iyo Imane Elbani.

Aabaha dhalay boqorada Quruxda Morocco Imaan Al Bani oo aad u faraxsan ayaa aqbalay, ka dibna wakiishay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, wakiil ka yahay oo uu isu guuriyo, waxaanu balan qaaday inuu si degdeg ah isugu dhisi doono, lamaanahan labadooda waddan iyo dunida carabta iyo Yurub inteeda badan caanka ka ah.

Lamaanahan iyo dadkii soo dhawayntooda ka qayb galay ee xaflada ku sugnaa ayaa aad ugu farxay ka soo qayb galka, Madaxweynaha Turkigu ugu tagay ee uu marti qaadkii ay u fidiyeen kaga ogolaaday, waxaana markii uu xaflada soo galay lagu soo dhaweeyay sacab iyo mashxarad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.