WorldRemitAds

Wasiirkii Ugu Shishlaa Golaha Wasiirada Oo Isku Shaandhayntan Xilkii Ku Waayey

”]

Hargeysa, Somaliland, March 14, 2012 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah madaxda hay’adaha Dawladda, waxaanu xilalkoodii ka qaaday xubno wasiiro ah, halka qaarna uu isku bedel ku sameeyay.

War-saxaafadeed subaxnimadii hore ee saaka magaalada Hargeysa ku waaberiisatay ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu xilkii ka qaaday wasiirada Maaliyadda, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Hawlaha Guud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa xilalkii laga wasiiro ku-xigeenadii Maaliyadda, iyo Arrimaha dibadda. Sidoo kale waxa iyagana xilalkii laga qaaday Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku-xigeenkii hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Madaxweynuhu masuuliyiinta uu xilalka qaaday ayuu qaarkood u magacaabay xubno cusub, sida Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu u magacaabay wasiirka Maaliyadda, Boobe Yuusuf Ducaale oo uu u magacaabay wasiirka warfaafinta iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo uu u magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

SomlegalAds

Dadweynaha reerSomalilandee ku nool gobolada dalka ayaa si kala duwan u arkay isku-shaandhaynta, waxaanay tiraabaha ugu horeeya ee ay dadka ku nool caasimaddu ka bixiyeen ka mid ahaa in Madaxweyne Siillaanyo iska gooyey mid ka mid ah baalashii ay xukuumaddii ku duulaysay, kadib markii uu xilka ka qaaday wasiirkii ugu miisaanka cuslaa oo ah waskiirkii Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo dadka reer Somaliland ku tilmaamaan goobaha waxqabadka xukuumadda Axmed Siilaanyo ku faanto ay ka hirgaleen.

War-saxaafadeed isku-shaandhayntan ayaa waxa uu dhignaa sidan:

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:                         In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

 

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

NOMagac-yada Masuuliyiinta CusubMagacaabiddaWasaaradda loo magacaabay
1Cabdicasiis Maxamed SamaaleWaxa loo magacaabayWasiirka Wasaaradda Maaliyada
2Axmed Cabdi Xaabsade(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabayWasiirka  W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Warfaafinta
4CaliSiciid Raygal(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5Maxamuud Axmed Barre (Garaad)Waxa loo magacaabayWasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6Cabdilaahi Abokor Cismaan      (Xil Cusub)Waxa loo magacaabayWasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka  ee W. Arrimaha Gudaha
7Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)Waxa loo magacaabayWasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8Mawliid Maxamuud IbraahimWaxa loo magacaabayWasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9Nuux Sheekh Muuse DucaaleWaxa loo magacaabayGudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10Maxamed Cumar CabdilaahiWaxa loo magacaabayGudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11Mudane Axmed Xuseen OomaneWaxa loo magacaabayWakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-

NoMagaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1Eng.Maxamed Xaashi CilmiWasiirkii  W/ Maaliyadda
2Prof. Ismaacil Muumin AarWasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3Ilhaan Maxamed JaamacWasiirkii  W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4Dr. Axmed Xaashi OdayMadaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka WasaaraddaWasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5Cabdi Siciid FaahiyeWasiirkii  W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6Warsame Siciid CabdiWasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7Maxamed Yoonis CawaaleWasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8Muxumud Aw Cabdi IsmaaciilGudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
9Axmed Cali Xirsi (Sulub)Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.