WorldRemitAds
Rayi Ururin boqolaal hablood oo gashaantimo u dhashay dalka Ruushka ah lagu waydiiyay, in haddii madaxweynaha dalkaas Vladimir Putin uu ka dalbado guur ay ogolaan lahaayeen iyo in kale ayaa boqolkiiba labaatan ka mid ahi deg deg u sheegeen in ay aqbali lahaayeen haddii fursadaas ay helaan deg degna u raaci lahaayeen, halka lix iyo toban boqolkiiba ay codsadeen in wakhti dheeraad ah la siiyo si ay uga fikiraan.

Rayi ururintan oo ayaa sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee RIA Novosti inteeda ugu badan laga sameeyay, magaalada Moscow ayaa lagu ogaaday ama dumarkii rayigooda la waydiiyay boqolkiiba labaatan ay sheegeen inay danaynayaan guurka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin haddii fursadaasi u soo baxdo.
Mac-had ku yaala magaalada Moscow oo lagu magacaabo Levada Center oo rayi ururintan sameeyay ayaa cadeeyay in tirada hablihii la waraystay 20% ka mid ah ay cadeeyeen in haddii fursadaasi u soo baxdo ay guursan lahaayeen oo ay Afo u noqon lahaayeen siyaasiga ugu awooda badan dalkaas.
Boqolkiiba 66% ka mid ah gashaantimihii rayigooda la waydiiyay ayaa iyagu ka gaabsaday ama xusay in aanay diyaar u ahayn xitaa haddii fursadaasi u soo baxdo, halka boqolkiiba lix iyo toban ka mid ah gashaantimaha Ruushka ee la waydiiyay rayigoodu ay ka codsadeen in wakhti intaa ka badan la siiyo si ay uga soo fikiraan.
Madaxwaynaha Ruushka oo 66-jir da’diisu tahay, ayaa sadex jeer oo kala duwana talada dalkaas qabtay marna raysal wasaare ka noqday dalkiisa, waxa uu ka mid yahay dadka ugu awooda badan waddankaas waxaanu leeyahay taageerayaal tiro badan, laakiin arrinta la yaabka noqotay ayaa ah rayi ururintan oo laga qaaday 1601 hablood oo da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 24-jir in tiro intaas leegi danaynayaan inuu guursado ninkaas odayga ahi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.