WorldRemitAds
Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum Madaxweyne ku xigeenka Imaaraatka Carabta, ahna raysal wasaaraha dalkaas iyo Xaakimka Imaarada Dubai, ayaa ardayda ka qalin jabiya jaamacadaha dalkiisa ka codsaday inay iska soo xulaan xubno wasiiro laga dhigo oo ka qayb gala talada iyo jaan gooynta dalka.

Xaakimka Imaarada Dubai, ahna Raysal wasaaraha iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Isu Taga Imaaratka Carabta, ayaa kulan uu la qaadatay ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha dalkiisa, waano dhinacyo kala duwan taabanaysa ugu gudbiyay.
Waxa kale oo uu Sheikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum uu ardayda dhamaysatay jaamacadaha ka codsaday, inay shaqada guud ee siyaasadana ka qayb galaan, oo ay dufcad kasta oo dhamaysata jaamacadu qalin jabintooda ka hor iska soo saaraan ilaa sagaal xubnood oo iska sii dhex sharaxa sadex qof oo midkood wasiir ama xilalka sare ee dawlada ka mid noqdo.
Xaakimka Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, ayaa sheegay in guud ahaan umadaha carabta, boqolkiiba afartan iyo ka badan dhalinyaro tahay, waajibna ay tahay in loo dhiibo oo ay qaybtooda ka qaataan hawlaha horumarinta iyo dhismaha waddamadooda.
Sidoo kale waxa uu Raysal wasaaraha ahna madaxweyne ku xigeenka Imaaratka iyo xaakimka Dubai uu kulankaas ka sheegay, in dawlada Imaaraatka carabtu ardayda dhamaysta jaamacadaha ay horu ugu diyaarisay shaqadii ay qaban lahaayeen, oo ay ka nasiib badan yihiin, ardayda dhigooda ah ee waddamo badan oo carab ah.
Markii ay shaqo wada heleena ay imika dawlada Imaaraatku doonayso inay siyaasada ka qayb galaan oo ay hogaaminta dawlada iyo xilalka ugu sareeya ay qabtaan.
Dalka UAE, waa dal dhalinyaradu tix gelin wayn ku haystaan, dhinac kasta oo horumarka dalkooda ahna loo ogol yahay inay ka qayb qaataan, ayuu yidhi, waxaanu xusay inuu diyaariyay jagooyin sarsare oo wasiiro iyo xilal waaweyni ka mid yihiin, kuwaas oo ay sugayaan dhalinyaradii qaban lahayd, oo marka ay ardayda qalin jabinaysaa soo xusho uu isna si degdeg ah u magacaabi doono.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.