WorldRemitAds
Mulkiilaha shabakada Wikileaks Julian Assange, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay, inuu booliska Ingiriiska isku dhiibayo, kana bixi doono safaarada Ecuador ee uu magangalyada ugu dhuumanayay ilaa 2012-kii.

Mulkiilaha Wikileaks Julian Assange, oo safaarada Ecuador baxsasho ku galay, markuu ogaaday in Ingiriisku u gacan gelinayo dalka Sweden, ayaa sheegay inuu isu dhiibayo booliska Ingiriiska subaxnimada hore ee Jimcaha ee 5, February 2016ka.
Waxaanu isu dhiibidiisa booliska Ingiriiska shardi uga dhigay, haddii guddida xaqiiqo raadinta ee qaramada midoobay u saartay xal ka gaadhista qadiyadiisu, ay si rasmi ah ugu cadayso inaan mar danbe la iska xidhi doonin, oo sifo ka baxsan sharciga aan loo taxaabayn.
Julian Assange oo bishi September ee 2014-kii, Qaramada midoobay u saartay gudi xaqiiqo raadin ah oo gasha xadhigiisa, dalalka Ingiriiska iyo Sweden isu bahaysteen ee ay ku raad goobayaan, ayaa warbixin ay guddidaasi soo saartay lagu cadeeyay in xadhigiisu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga.
Waxaanu guddida qaramada midoobay ee kiiska mulkiilaha Wikileaks xadhigiisa ku tilmaameen, mid laab la kac iyo daan daansi ah, oo si cad loogu xad gudbay xuquuqdiisa aadaminimo.
Assange ayaa sheegay in marka uu damaanad buuxda oo sharci uu helo uu ka bixi doono safaarada Ecuador ee uu muddada afarta sanadood ah, magan galyada ugu jiray, kagana dhuumanayay booliska Ingiriiska.
Julian Assange ayaa sheegay inuu maxkamad kasta hor tagayo oo eedaymaha loo haysto iska difaaci doono, haddii uu xoriyadiisa helo oo uu ka nabad galo, in la iska xidho.
Dacwada Ingiriiska, Sweden iyo mulkiilaha Wikileaks u dhaxaysa ee xadhig maranka noqotay, ayaa laf dhuun gashay ku noqotay labada dawladood ee u haliilaya xadhigiisa iyo kooxaha difaacayaasha xuquuqda aadamiga ee dunida.
In kasta oo waddamada Sweden iyo Britain lagu tilmaamo kuwa ugu garsoorka iyo nidaam cadaaladeedka wanaagsan dunida, ayaa haddana sida ay eedaha iyo dacwadaha ka dhanka ah Julian Assange canbaar iyo bar madow ku noqotay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.