WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 01, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamoud Siillaanyo ayaa Gudi u Magacaabay soo afjarida Khilaafka Kulmiye ee ka dhashay Shirka Golaha Dexe.

Guddi labaad ee Khilaafka KULMIYEWar rasmi ah oo la xidhiidha magacaabista xubnahani kama soo bixin qasriga Madaxtooyadda, balse, xoggo xalay dibada u soo baxay oo lagu baahiyay inta badan shabakaadka wararka Intarnetka ayaa tilmaamay in Xubnaha la magacaabay ay kala yihiin wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali Cadami, xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, guddomiyaha dawlad wanaaga Iyo ladagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, guddoomiyaha guddiga diiwaan gelinta ururada Cabdirisaaq Ciyaale Iyo xubin ka tirsan Komishanka doorashooyinka.

Arintan ayaa timid ka dib markii uu Xalay iyo habeen hore sida la wariyay Madaxweyne Siillaanyo si gooni-gooni ah Madaxtooyada ugula kala kulmay Garabyada isku haya Xisbiga Kulmiye oo la filayo in shirkiisa golaha dhexe qabsoomo 10-ka bishan, islamarkaana buuq gudihiisa ahi hadheeyay abaabulkiisii.

SomlegalAds

Hore waxaa u jiray guddi labada dhinac ah oo madaxweyne Siillaanyo ku taliyay inay khilaafka soo af-jaraan, kuwaas oo ku guul daraystay inay xal ka gaadhaan arrintan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.