WorldRemitAds

Mid ka mid ah magaalooyinka dalka Ingiriiska ayaa gabi ahaanba mamnuuc laga dhigay in xanjada lagu cuno ama loola soo baxo dibada, waxaana sida warbaahintu sheegtay qof kasta oo iska indho tira sharcigaas mamnuucaya calashiga xanjada uu mudan doonaa ganaax lacageed oo deg deg ah, kaas oo aan sinaba looga dhaafayn.

Sida ay ku qortay cadadkeedi maalintii shalay soo baxay jariirada (Sun), waxa maamulka degmada Milton Keynes ay isku waafaqeen, in gabi ahaanba la mamnuuco xanjada dibada lagu cuno ama dadka dhexdooda lagu calashado, waxaana qof kasta oo magaaladaa ku nool ama u safra looga digayaa in aanu xanjo calashan ama lagu arag isaga oo xanjo cunaya goobaha dadku ku kulmaan haddii kale uu diyaar u noqdo ganaax lacageed.

Jariirada (Sun), ayaa intaa ku dartay in sababta loo mamnuucay calashiga xanjada ee magaaladani ay ka dhalatay, ka dib markii xanjada la iska tufo marka macaanka laga dhamaystaa ay ku badatay jidadka iyo goobaha lagu kulmo ee fagaarayaasha ah, taas oo sida ay jariiradu tilmaantay markii go’aankan la qaadanayay ay sii dedajisay in ka badan labaatan xanjo la tufay ah oo laga helay meel kaliya, kuwaas oo aan isku jirin wax ka badan hal hal talaabo.

SomlegalAds

r2Jariirada ayaa sheegtay in xanjada la iska tufo ee jidadka lagu tuuraa ay sida marmarka oo kale ugu dhegto meelaha dadku maraan ee jidadka, taas oo masaxaadeeda iyo nadiifinteedu dawlada hoose ee magaalada Milton Keynes ka kharash garayso lacag xadigeedu badan yahay sanad kasta.

Phil Windsor, oo ka mid ah xilidhibaanada sida wayn ugu ololaynayay in la mamnuuco xanjada lagu dhex calashado magaalada gudaheeda, ee hadhowna lagu tufo jidadka oo jariirada la hadlay ayaa yidhi, “Xanjada lagu cunayo magaalada dhexdeeda ka dibna qofku ku tufayo meelaha Marsho biyeedyadu waa dhaqan xumo hor leh, waana caado qaloocan oo magaalo jooga ka soo hor jeeda.”

Windsor waxa uu intaa ku daray, “Runtii maamulka dawlada hoose ee magaaladu ma awoodo, kharashka tirada badan ee kaga baxa, nadiifinta xanjada oo si adag ugu dhegta meelaha sibidhka ah ee lagu tufo, waxaanay taasi ka kharash garaysaa lacag aad u badan oo wax kale looga faa’iidaysan lahaa, ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.

Bishii hore ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii mid ka mid ah degmooyinka magaalada London ay ganaax lacageed ku soo rogtay qof kasta oo lagu helo, inuu candhuuf ku tufay jid, ka mid ah degmadaas, taas oo sida ay sheegeen maamulka degmadaas looga dan lahaa nadaafada iyo kor u qaadista bilicda degmadaasa iyo waliba sidii looga hor tagi lahaa xanuunada faafa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.