WorldRemitAds

Garyaqaanada difaacayay eedaysane Maraykan ah ayaa sheegay in maxkamadu u jartay, sodon cisho oo xabsiga ah iyo ganaax lacageed oo dhan, shan kun oo dollarka Maraykanka ah, nin lagu eedeeyay in jaarkiisu ka soo dacwooday qosolkiisa oo aad u dheer.

Garyaqaankan ayaa warbaahinta u sheegay in ninka uu wakiilka u ahaa ee u difaacayay, Robert Chiefley oo (41-jir), ah ay boolisku dhawaan u geeyeen, saman lagaga codsanayay inuu maxkamada ku hor yimaado, ka dibna lagu furay dacwad la xidhiidha qosolkiisa.

Qareenka difaacayay ninkan ayaa sheegay in lagu soo eedeeyay in subaxnimadii bishii February 13-ka ahayd uu daaqada gurigiisa oo ku yaala, degmada Rockville Centre, ee jasiirada Long Island, oo ka tirsan New York uu soo istaagay isaga oo si cod dheer ah ugu qoslaya jaarkiisa.

SomlegalAds

Qofka jaarkiisa ah ee ka soo ashkatooday ninkan ayaa sida la sheegay ahaa, qof curyaan ah oo naafo ah, kaas oo isagu sida uu ku doodayo uu door biday inuu ka farxiyo, balse uu si kale u qaatay oo cuyub ay arrintii ku noqotay sida uu ku doodayo eedaysanaha xukunku ku dhacay.

Qareenka difaacayay ninkaas oo lagu magacaabo, Andrew ayaa sheegay in ninka uu wakiilka ka yahay, uu leeyahay hag hago, ama gaangi laakiin aanay jirin wax ujeedo ah oo uu ka lahaa ninkaas, laakiin ay mararka qaarkooda cod ama dhawaaq kaga dhegto sida uu ku dooday.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo u dhaxaysay qofkaa ay jaarka yihiin ee eedeeyay, isla markaana uu aad uga xun yahay in uu khalad fahmo, waxaanu sida uu sheegay iska bixin doonaa ganaaxa la saaray isaga oo bisha xadhiga ahna dhamaysan doona ama iibsan doona sida uu warbaahinta u sheegay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.