WorldRemitAds

Mid ka mid ah dukaamada laga adeegto ee gobolka New Mexico ee dalka Maraykanka, ayaa halku dhegii ugu cunsurisanaa, ku soo dhejistay wajahada hore iyo albaabada laga galo oo dhan, waxaanu halku dhegan oo dad badan ka cadhaysiiyay uu dukaankaasi ku dhigtay inaan Obama iyo Muslimiinta aan laga soo dhawaynayn dukaanka.

Halku dhegan takoorka iyo nacaybka ah ee dukaankaasi oo u dhignaa sidan, “Obama and other Muslims not welcome here.” Taas oo macno ahaana ku noqonaysa Obama iyo Muslimiinta halkan laga soo dhawayn maayo.

Dukaankan oo ku yaala degaanka Mayhill ee gobolka New Mexico ayuu mulkiilaha dukaankaasi warbaahinta u xaqiijiyay, in halku dhegan yahay mid maamulkiisu doortay, kaas oo ujeedadiisuna tahay sidii ay uga cadhaysiin lahaayeen, Obama iyo taageerayaashiisa, waxaanu mar la waydiiyay si dhib yar u yidhi, “Waa halku dheg ku lidi ah, Hillary Clinton iyo Bill Clinton iyo Madaxweyne Obama gaar ahaana barnaamijyadiisa sinaanta jinsiga iyo waxa loogu yeedho Obama Toilet Paper-ka ku wada lid ah, waana mid aan go’aansanay.” Ayuu yidhi mulkiilaha dukaankan oo lagu magacaabo, Kevin Crouch.

SomlegalAds

u1_businesssignQof hore shaqaale uga ahaan jiray dukaankan oo lagu magacaabo, Marlon McWilliams, ayaa sheegay in mulkiilaha dukaankani caadaystay cunsurinimada iyo ka cadhaysiinta dadka aan cadaanka ahayn, waxaanu ninkani tilmaamay in halku dhegyadani ay ilaa wakhti hore ku dhegsanaayeen, muddo dheerna ay dukaanka meelo ka mid ah sudhnaan jireen, kuwaas oo sida uu xusay, ka cadhaysiiyay macaamiil tiro badan oo wax iibsiga dukaankan gooyay.

Marlon McWilliams ayaa cadeeyay in halku dhegyadan cunsuriyada ahi ay macaamiishii ka eryeen dukaanka, kaas oo sida uu tilmaamay imika dayn iyo suuq la’aan la il daran, kuna dhow in dhawaan la xidho oo si rasmi ah loo cadayn doono inuu musalafay, waxa kale oo uu ninkan hore shaqaalaha uga ahaan jiray sheegay in xaraashka dukaankani si hoos ah u socoto dhawaana soo shaac bixi doonto, marar kala duwana la baayacayba.

Qaar badan oo ka mid ah macaamiisha dukaankan ayaa dareen cadho leh kaga jawaabay cunsuriyadan qaawan ee uu halku dhega u doortay, waxaanay warbaahinta u sheegeen in mulkiilaha dukaankani uu garan waayay, qiimaha macaamiishu leedahay iyo sida ay u xun tahay in macmiil kaliya meherada laga eryaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.