WorldRemitAds

Fanaanada reer Maraykan ee Janet Jackson iyo Saygeeda reer Qatar ayaa farxad iyo damashaad ku soo dhaweeyay, ilmihii ugu horeeyay ee ay ku curato, hooyadan fanaanada hore u ahaan jirtay, imikana sida ay sheegtay noqotay hooyada Muslimka ah ee Janet Jackson.

Janet Jackson ayaa ilmihii ugu horeeyay konton jir ku dhashay waxaanay ilmahan oo wiil ah ugu magac dartay Ciisa ama Sida loo qoray Eissa Al Mana, kaas oo ah wiil ay u dhashay, saygeeda maal qabeenka reer Qatar Wissam Al Mana oo Guursaday sanadkii 2012-kii guursaday.

A very pregnant Janet Jackson and her husband Wissam Al Manna make their first appearance in public together since announcing her pregnancy.
A very pregnant Janet Jackson and her husband Wissam Al Manna make their first appearance in public together since announcing her pregnancy.

Janet Jackson oo la dhalatay fanaankii Michael Jackson ayaa muslimtay, ka dibna guursatay maal qabeenka reer Qatar ee Wissam Al Mana, kaas oo u dhigay arooskii ugu qaalisanaa dunida, oo sida la sheegay ilaa shan milyan oo dollar ay ku baxday.

SomlegalAds

Labo todobaad ka hor oo Janet Jackson iyo saygeedu booqdeen caasimadda dalka Ingriiska ee London ayay warbaahinta u sheegtay, inay ka baxday fankii oo ay sidaa kaga hadhay, si rasmi ahna u gudoonsatay inay hooyo muslimad ah oo Saygeeda, Ubadkeeda iyo Hoygeeda ku dhawrsanata ay ahaan doonto inta cimrigeeda ka hadhsan.

Xiligaas ayaa sida warbaahinta Ingiriisku sheegtay ay Janet Jackson ahayd qof muuqaalkeeda iyo Labiskeeduba aad uga badalnaa sidii hore loogu yaqaanay, waxa ay u labisnayd sidii haweenka waaweyn ee Muslimiinta oo jidhkeeda oodhami ahaa mid wada qarsoon dhar waaweyna xidhan.

Maal qabeenka guursaday ee reer Qatar ayaa marar kala duwan warbaahinta u sheegay, in Janet Jackson tahay qof farxad iyo jacayl badan ku abuurtay, mar walbana uu sii jeclaado, Wissam Al Mana ayaa intaa ku daray, “Janet Jackson waa qof caan ah oo dunida oo dhami wada taqaano, haddana waa qof iimaankeeda ku adag oo aan is bad badal iyo leex leexad lahayn, mar walbana farxad ayay ku abuurta naftayda oo jacaylkeeda ayaa igu sii kordha.

Warbaahinta dunida oo dhan ayaa ka wada warantay ilmahan yar ee Janet Jackson iyo saygeeda Reer Qatar ee Wissam Al Mana u dhashay, kaas oo si wayn looga soo dhaweeyay meelo badan oo dunida ka mid ah, gaar ahaan labadda waddan ee lamaanahani ka soo kala jeedaan ee Qatar iyo Maraykanka, waxa kale oo si wayn looga hambalyeeyay bogaga xidhiidhka bulshada ee Facebook iyo Twitterka oo dadkii ugu badnaa ka tahniyadeeyeen farxad badana looga muujiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.