WorldRemitAds

Daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in dadka marka ay hurdaan, aad u khuuriyaa, halis ugu jiraan, xanuuno badan oo wadno xanuunka iyo faaligu ka mid yihiin, waxaana cilmi baadhistan caafimaad oo lagu ogaanayay sida hurdada iyo wareega dhiigu iskula shaqeeyaan, ay xaalad cabsi leh ka muujisay dadka Khuuriya iyo kuwa hurdada marar badan ka baraaruga habeenkii oo ay sheegtay in ay halis ugu jiraan, xanuunada wadno xanuunka iyo faaliga, oo marka dadka kale ee dhigooda ah loo eego sadex jeer laab kaga badan yihiin.

Cilmi baadhistan caafimaad oo laga sameeyay dalka Ingiriiska ayaa intaa ku dartay in waddankaas oo kaliya, ay ku nool yihiin, ku dhawaad sadex milyan oo qof oo hurdada marar badan habeenkii uga baraaruga neef qabatow ama khuurada oo ku keenta in ay qaadashada Oxygen-tu ku yaraato.

Dhakhaatiir ka kala socday dhawr jaamacadood oo dalka Britain ka mid ah, kuna xeel dheer xanuunada wadnaha iyo neerfayaasha oo baadhis ku sameeyay laba milyan oo qof, ayaa sheegay in dadka marka ay hurdaan khuuriyaa, yihiin, kuwo ay haysato dhibaato dhinaca neefsiga ah, taas oo ku keeni karta in wakhtiyo kooban oo ay waayaan hawada Oxygen-tu ay sababi karto in wadno xanuun haleelo ama faalig ku dhufto.

SomlegalAds

Daraasadan ayaa tilmaantay in dadka ugu badan ee khuuriya ama neef qabatowgu ku dhaco, wakhtiyada hurdada ay u badan yihiin, kuwa wakhtiyada dheeraadka ah soo jeeda iyo kuwa hawsha badan qabta, sababta ugu wayn ee khuurada dhalisaana tahay qofka oo hurdo badani hayso iyo dhaq dhaqaaq la’aanta aanu is rog rog badan yeelan qofku marka uu hurdo, waxa kale oo warbixintu tilmaantay in dadka inta badan u seexda dhabarka, isla markaana barkada barkimo ka dheer ama ka gaaban oo ka yar ay u badan yihiin, in ay khuuriyaan, ka dibna neef qabatoobaan.

Haddaba warbixintan ayaa ku talinaysa in dadka laga yaabo in ay hurdada ku khuuriyaan, ama neef qabatow la soo baraarugaan looga baahan yahay in ay wax ka badalaan qaabka ay u seexdaan, isla markaana la xidhiidhaan dhakhaatiir aqoon u leh xanuunada neef mareenka, waxa kale oo dadkaas looga digayaa in ay ka hadhaan cabista ama qiijinta sigaarka haddii ay isticmaalaan si ay u badbaadiyaan noloshooda intii suura gal ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.