WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 15, 2016 (Saxafi) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo hore u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee hore ee xisbiga UCID, ayaa sheegay in aannu eedaha xukuumadda leedahay qabin murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, balse cidda dambigaasi leh tahay wasiirradii xukuumadda iska casilay ee ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Cali Guray waxa kaloo uu tilmaamay sababta uu ugu biiriwaayey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo waxa uu ku kala xushay labada murrashax ee Muuse Biix iyo Cabdiraxmaan Cirro, mar haddii murrashaxii uu hore u taabacsanaa ka baxay saaxadda tartanka.

“Anigu labada murrashax ee kale ninkaan ka raacay Jamaal buu ahaa. Nimankan Wakiillada sheegta anigu dhibaatada Somaliland oo dhan dambiga ugu wayn iyaga ayaan saaraa xataa ka xukuumadda loo tirinayo. Muuse Biixi xisbi ayuu xil u hayey, eedana kuwa xagga Waddani uga yaacay ayaa ka badsaday oo xukuumadda ka tirsanaa, cidda ay eedaynayaan maaha xukuumadda ee waa Kulmiye ama shakhsiyaad Kulmiye ah oo xilal xisbi hayey halka iyagu ay xukuumadda xilalka ugu sarreeya iyo awoodaha ugu wayn ku lahaayeen, markaan eegay aniga iyo kuwaasi si uma wada naalo aragti aan kula midoobi karona ma hayaan ee waa niman ciil iyo cadho qaba oo u baahnaa meel ay sutida uga soo qabtaan Kulmiye oo ay ku ciil baxaan. Hadday Waddani u arkeen waa sax, haddaa ma Sirxan bay god muliciisa ugu tegi lahaayeen? Markaa haddii uu Jamaal khadkii ka baxay ama laga saaray UCID-na afka u dhacay, kana baxay khadkii anigu Cirro waxay inta tagtay iyo intii sii joogtay ku biirin waayeen waan ogahay in aanan ku biirin karin,” ayuu yidhi Cali Guray oo qoraal uu kaga hadlay xaaladda taagan ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.

SomlegalAds

Waxa kaloo uu isbar-bardhig ku sameeyey labada murrashax ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, waxaannu yidhi, “Murrashaxa Kulmiye anigu nin ka liita murrashaxa Waddani uma arko haddii aannu isagu wax dheerayn ama kaga habboonayn xilka madaxwaynahaba, shakhsi ahaan labada murrashax ka aan aqoon fiican u leeyahay waa Muuse kol haddii aanan arkaynin murrashax dhaama taariikh gaar ah oo ilaa halgankii ahna aannu wadaagno wax aan kaga hiiliyo iyo cid aan uga hiiliyo ma arko, in aan u hiiliyana wuu igu leeyahay.

Sidaa daraadeed, Muuse haddii uu hal cod oo keliya helayo wuxu noqonayaa codka Cali-gurey haddii Alleh yidhaa, waayo haddii aan mid wax ku biirin karayo waa ka keliya ee aan ogahay in aan wax ku biirin karo iyo waxa aan ku biirin karayo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.