WorldRemitAds

Brussels, Belgium, November 15, 2016 (Saxafi) – Mudane ka tirsan xisbiga konsertives-ka aqalka baarlamaanka ururka Midowga Yurub Nirj Deva MEP ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada oo beri ah hor keeno golaha baarlamaanka ururka Midowga Yurub qadiyada gooni isu-taaga Somaliland.

Mudanahan ayaa ka codsan doona midawga Yurub in la aqoonsado Somaliland, waxaana arrintani ku soo beegmaysaa xili xaaladda wadamada reer galbeedku is badelo siyaasadeed ka dhacayaan. Mudane Nirj Deva oo ah xubin ka tirsan xisbiga Konsertiveka iyo kooxda dib u habaynta (Consertive and Reformist group) ayaa cinwaankooda ay ku leeyihiin barta Internet-ka, waxaa ay ku baahiyeen in maalinta berito ah Baarlamaanka Midowga Yurub lagaga doodi doono qadiyadda madax-banaanida Somaliland, islamarkaana mudanayaasha xisbiga konsertiveka ahi ay soo jeedin doonaan in loo  aqoonsado Somaliland dal madax banana. waxaana sidoo kale, todobadkan oo dhan golaha lagaga doodi doonaa qorshaha siyaasadeed ee ururka Midowga Yurub ka leeyahay Qaarada Afrika. Hase yeeshee. Sidaas oo ay tahay, ilaa hadda lama hubo xukuumadda Somaliland cid ay u dirtay ka qayb galka kal- fadhigan muhiimka u ah dalka. Wallow ay jirtay in wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu Axadii ina dhaaftay ku sugnaa dalka Denmark.

Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay noo suurta-gelin aanu hello.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.