WorldRemitAds

Dhakhaatiirta aqoonta neerfayaasha ee dunidda ayaa sheegay in dawooyinka kimikalka ka samaysan ee haweenku jidhkooda gaar ahaan wajiga ku qurxiyaan u keenaan dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca neefrayaasha ah.

Sida baadhitaano tira badan oo laga sameeyay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska lagu ogaaday waxa dawooyinka kimikalka ah dadka isticmaala ay ku keenaan xanuuno kala duwan hasa yeeshee kuwa ugu darani waa kuwa loo isticmaalo maqaarka gaar ahaan wajiga oo keena xanuuno halis ah oo ku dhaca maqaarka iyo neer fayaasha.

2015-Hot-sale-High-Quality-Warbixin caafimaad tii ugu danbaysay ee lagu qoray Magazine-ka loogu yeedho Health and seines kiirimo badan oo haweenku ku qurxiyaan wajiga waxay leeyihiin ama ku lamaan maadooyin kimikal ah kuwaad oo ku keena qofku marka uu mudo isticmaalo inay la tagaan maqaar qaybo ka mid ah oo qolofta oo kale ah ama sida toxobta u saaran maqaarka oo ili-ma aragtay ah kaas oo jidhka ka difaaca falaadhaha qoraxda.

SomlegalAds

Marka aadamiga uu ka lumo qaybta difaaca ee ilayska qoraxda ka ilaalisaa waxa uu si deg deg ah kulaylku u taaban karaa, qayba difaaca maqaalka ah oo iyagu ka samaysan dareere ku hoos jira ama u dhexeeya maqaarka iyo hilibka haddii ay burburto waxa ku yimaada qofka awood darni dhaxanta iyo kulalyka ah, waxa kale oo ku dhaca inuu noqdo qof neerfihiisu u nugul yihiin wixii dhibaato ah ee dibada ka soo waajahada.

Dhakhaatiirta baadhitaankan sameeyay ayaa ku taliyay in aan la fudaydsan talooyinka caafimaad, aadna looga taxadiro isticmaalka faraha badan ee dawooyinka kimikalka ka samaysan iyo kiriimada kala duwan. Waxa xusid mudan in wakhtigii lagu guda jiray daraasadan ay culimaddani ogaadeen kiriimyo badan oo walxo tira badan oo kimikal ahii ku jiraa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.