WorldRemitAds

Shirkada koonfurta dalka Ruushka siisa Korontada oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn, dalkaas, ayaa khasnada dawlada Ruushka ku shubtay lacag aad u badan oo magdhow ahaan ay uga bixinayso, labo shinbirood oo sanad ka hor ku dhintay xadhkaha laydhka qaada ee koonfurta dalka Ruushka.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, labo ka mid ah shinbiraha ka sii dabar go’aya dalka Ruushka, ayaa sanad ka hor ku dhintay xadhkaha korontada, waxaana shirkada maamuusha laydhka ee koonfurta dalka Ruushku go’aansatay in magdhow lacageed oo dhan lix iyo toban kun iyo shan boqol oo dollar ay ka bixisay.

Labadan shinbirood oo kala ahaa Gorgor iyo Baas, ayaa shirkadu sheegtay in sababta ay lacagtan badan ee magdhowga ah ay uga bixisay la xidhiidho, tiro yaraanta noocyadooda ee dalka Ruushka iyo dabar go’ looga baqayo in shinbiraha noocaas ah oo kale ay ku dhacaan.

SomlegalAds

16-kun iyo shantan boqol ee shirkada korontada koonfurta Ruushku magdhowga shinbiraha ku dhintay xadhkaheeda laydhka ka bixinayso, ayaa shirkada iyo wakaalada daryeelka duur joogta dalkaasi ku heshiiyeen qiimaha labadaa shinbirood ee Gorgorka iyo Baaska ah, mid walba magtiisa ay shirkadu ka bixinayso.

Laydhka iyo lacagtaSida wararku sheegayaan waxa Gorgorka shirkada korontada konfurta Ruushku magdhow ahaan uga bixinaysay, 2360-Dollar, halka shinbirka Baaska ahna ay magdhowgiisa ka bixisay 14125-dollar oo lacagta Maraykanka ah.

Labadan shinbirood ayaa cadho badani ka dhalatay markii la soo wariyay inay ku dhinteen xadhkaha korontada qaada ee dalka Ruushka, waxaanay kooxaha u ololeeya duur joogta iyo daryeelka degaanka ee dalkaasi, ay dadka Ruushka ah u soo bandhigeen, qiimaha dhaqan ahaan iyo degaan ahaan ay u shinbirahani u leeyihiin dalka Ruushka.

Dibad baxyo waaweyn oo ka dhan ah shirkada Korontada Konfurta Ruushkuna waxa ay ka dhaceen magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka, waxaana ugu dabayntii khasab ku noqotay shirkadaasi inay hor tagto maxkamada arrimaha degaanka iyo duur joogta ka gar naqda ee dalka Ruushka, waxaana ugu danbayntii lagu riday xukun magdhow ah, oo la amray in si deg deg ah ay uga bixiso, shinbirahaa ku dhintay xadhkaheeda laydhka.

Waxa xusin mudan in lacagtan si buuxda loogu shubay khasnada guud ee dawlada Ruushka, waxaana kab looga dhigi doonaa, wakaalada ilaalinta iyo daryeelka duurjoogta ee dalkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.