WorldRemitAds

Mid ka mid ah baadariyada xag jirka ah ee diinta Yuhuuda, ayaa ku tilmaamay weeraradii jimcihii lala beegsaday caasimadda Faransiiska ee Paris, 129-ka qofna ku dhinteen, kuwo ku haboona oo abaalkoodi laga mariyay, xasuuqyadii dadka Yuhuuda ah ay u gaysteen todobaatan sanadood ka hor.

Baadarigan oo lagu tilmaamo Rabbi Dov Lior, oo ka mid ah wadaadada ugu waaweyn Yuhuuda, ayaa sida ay ku warantay jariirada Jerusalem Post ee dalka Israel ka soo baxda, waxa uu hadal ku waajahan weeraradii gilgilay caasimadda Faransiiska ee Paris, uu si adag ugu weeraray reer Yurub, waxaanu sheegay in abaalkoodi helay.

Dov Lior oo isagu ah baadariga wakaalada diinta Yuhuuda u qaabilsan degaanka Khaliil ee dhulka la haysto, ayaa hadal uu ka jeediyay sabtidii baroor diiq loo sameeyay, qof Yuhuudi ah oo Falastiiniyiintu toori ku dileen, waxa uu weeraray Faransiiska iyo reer Yurub, waxaanu sheegay in xasuuqi ay awoowyaashood kula kaceen todobaatan sanadood ka hor laga abaal marinayo oo ciqaabtiisi ku dhacayso, dhiig iyo argagaxna hadheeyay.

SomlegalAds

BaaderiBaadarigan ayaa isagoo ka hadlaya weerarada Paris iyo dhibaatada ku dhacday, waxa uu yidhi, “Shar wadeenadii reer Yurub, ee dhiiga Yuhuuda ku qarqiyay Yurub, waxa ku dhacay abaalkood, waxaana helay wixii ay shaqaysteen abaalkeedi.” Ayuu yidhi.

Baadarigan ayaa isku xidhiidhiyay xasuuqii Yuhuuda Naasiyiinti Jarmalku u gaysteen dagaalkii labaad ee “Holocaust”-ka lagu magacaabi jiray iyo weerarada Faransiiska caasimadiisa lagu qaaday, maalintii jimcihii boqol iyo sagaal iyo labaatanka qofna ku dhinteen.

Baadarigan ayaa si wayn loogu xasuustaa khudbad uu sanadkii hore ka jeediyay warbaahinta Israel, taas oo uu ku sheegay, in shareecada Diinta Yuhuudu xalaalaynayso in ciidamada Yuhuudu ay baabiiyaan oo dhulka la simaan gacanka Gaza, dadka ku nool ee Falastiiniyiinta ahna ay xasuuqaan si nabad iyo deganaansho Israel iyo shacabkeeda Yuhuudu u helaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.