WorldRemitAds

Marar badan ayaa cilmi baadhis caafimaad oo laga sameeyay aduunyadu daaha ka rogeen faa’iidooyinka caafimaad ee isticmaalka iyo quudashada khudaarta noocyadeeda kala duwani u leedahay aadamiga, hasa yeeshee waxa soo baxaya warbixino caafimaad oo iyaga laftoodu ka digaya ama dhibaato ku sheegaya isticmaalka badan ee khudaarta.

Warbixin caafimaad tii ugu danbaysay oo dhawaan laga sameeyay dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in isticmaalka badan ee khudaarta noocyadeeda kala duwan gaar ahaan marka la shiido ee inta la ridqo laga dhigo sharaab ay leedahay dhibaato caafimaad isla markaana kordhiso oo ka qayb qaadato miisaanka jidhka oo cuslaado.

Sida warbixintan caafimaad sheegayso khudaarta ayaa marka qofku uu wax badan ka isticmaalo ay suura gal tahay in miisaanka qofku kordho, taas oo ay sabab u tahay in macaanka badan ee khudradaha qaarkood ku jira qaybo ka mid ahii marka ay jidhka gasho isku badasho subag ama dufan.

SomlegalAds

Khudradaha qaar ayay warbixintani ka digaysaa in isticmaalkooda la badsado sababtoo ah waxa ay daraasadani tilmaamaysaa in heerka sonkorta ee ku jirtaa aad u sareeyaan, gaar ahaan, khudradaha la calaamadiyay waxa ka mid ah, Muuska, Canbo Lafka, Xabxabka iyo khudrado kale oo sonkorta ku jirtaa badan tahay.

Warbixintan ayaa sheegaysa in khudaarta marka si nidaamsan oo caadi ah loo isticmaalo aanay lahayn halis caafimaad laakiin haddii la badsado oo ay heer aad u badan qofku ka qaato ay u horseedo in caafimaadkiisa iyo miisaanka jidheed ay kordhaan oo khal khal ku dhaco.

Dhamaan khudradaha ay warbixintani sheegtay inay yihiin kuwo marka la badsado halis u leh dadka ayaa haddana cilmi baadhistu intaa ku dartay in iyaga laftoodu ay u baahan yihiin sidii loo burburin lahaa oo in cuntooyinka qaarkood lala fadhiistaa ay adag tahay sida muuska iyo canbe lafka oo u baahan in uu qofku jimicsi ama socod sameeyo si uu uga badbaado inuu la fadhiisto oo ay isku badalaan subag.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.