WorldRemitAds

Laanta gurmadka deg dega ah ee magaaladda Boston ayaa soo bandhigay inay adeegooda ku dareen gaadiid cusub oo kuwa gurmadka deg dega ah ee Ambulance-ka loo yaqaan oo adeeg gaar ah qaban doona dad gaarana u shaqayn doona, gaadiidkan cusub ayaa ah kuwo loogu tala galay dadka Buurbuuran ee baruurta la tiicaya inay u shaqeeyaan wakhtiyada xanuuno qabtaan ee ay u baahan yihiin in loola cararo cusbitaalada iyo goobaha kala duwan ee caafimaadka.

Gaadiidkan cusub ayaa masuul ka tirsan laanta gurmadka degdega ah iyo adeega dadweynaha ee magaaladaasi sheegay in miisaankoodu yahay 386.6kg halka uu gudaha ku leeyahay kursi kuwa haydarooliga ah oo awoodiisu tahay ama qaadi kara miisaan dhan 454,5kgm.

Dadweynaha Maraykanka ayaa buurnaanta iyo caylka xad dhaafku ka badan yahay boqolkiiba konton, waxaana warbixino laga sameeyay dalkaasi muujinayaan in 45% dadka aadka u cayilay ee dalkaasi yihiin rag halka dumarkuna ka noqonayaan tirada dadka Buurbuuran 33%.

SomlegalAds

Markii tiradda dadka buurnaantu biyo dhigtay xad dhaaf noqdeen ayaa waxa lagama maarmaan noqotay in magaalooyinka waaweyn ee dalkaas laga sameeyo gawaadhida gurmadka deg deg ah ee dadka bukaanka ah soo daadgureeyo oo loogu tala galay dadka Buurbuuran oo kaliya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.