WorldRemitAds

Qosolka, qalbi furnaanta iyo farxaan-nimada badani waxay qofka ku abuurtaa xaalad caafimaad waxaanay u wanaagsan tahay caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka.

Sida culimada iyo khabiirada caafimaadka dunida isku hawlaa dhawaan shaaca ka qaadeen qosolka iyo dadka farxaanka ahii waxay ka cimri dheer yihiin, kana caafimaad badan yihiin dadka kale ee dhigooda ah.

Waxa jira siyaabo badan oo loo qoslo iyo habab kala duwan oo aadamigu u qoslaan laakiin dhamaantood waxay yareeyaan cidhiidhiga iyo qulubka nafta ku dhaca, waxaanay aadamiga u horseedaan deganaansho iyo firfircooni badan oo gasha nafta.

SomlegalAds

Qosolka aadka u faraha badani uma fiicna caafimaadka dadka oo qosolku ka yaraadaana faa’iido badan uma laha nolosha.

Ugu danbayntii waxa ay khubaradani ku taliyeen in lagu dedaalo, farxada, fur furaanta iyo dhoola cadaynta badan, taas oo sida ay xuseen faa’iidooyin badan qofku ka helayo, difaacna uga noqon kara xanuuno badan oo ku dhaca maskaxda iyo jidhkaba. Mar walba raadi farxadda kuna dedaal furfuraanta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.