WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Boorama

Boorama, Somaliland, September 08, 2016, (Saxafi) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani isla markaana ah musharraxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Axmed Muumin ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ku sugan dalka deriska ah ee Jabuuti, halkaasoo sida la sheegay uu casuumad ka helay xukuumadda Madaxweyne Geelle.

Guddoomiye ku xigeenka, isla markaana ah musharraxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi ayaa socdaalkiisa dalka Jabuuti ku soo beegmay wakhti Xasaasi ah oo gobolka uu ka soo jeeday ee Awdal ay isla ildaran-yihiin Gobolka Hargeysa, sidoo kalena waxa socdaalkiisu ku soo beegmay wakhti madaxweyne ku xigeenka dalku uu isna safar warar badan laga sheegay ku joogo dalka isu tagga Imaaraadka carbata.

SomlegalAds

In kastoo aanu xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka hadal safarka musharraxa xisbigoodaasi, isla markaana aanu Axmed Muunin Seed, waxba ka sii sheegin safarkaasi, hase yeeshee sida wararku sheegeyaan safarka Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo door ah oo khuseeya xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dawladda Jabuuti iyo xidhiidhka ka dhexeeya xisbigaasi mucaaradka ah iyo dawladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Haddaba, marka la eego arrimaha ku gedaaman socdaalka Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani iyo xaaladaha uu ku soo beegmay ayaa dad badan oo la socda siyaasadda labada dal ee wakhtigan, xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, iyo geeddi socodka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku doonayo inuu dalkan ku hogaamiyo hadii uu ku guuleysto doorashooyinka soo socda, waxayna dad badani farta ku fiiqayaan in socdaalka Axmed Muumin Seed uu salka ku hayo arrimaha xisbiga Waddani oo la saluugsanyahay Guddoomiye Cirro qaabka uu ku hogaaminayo xisbiga ugu weyn mucaaradka.

Safarkan oo sidoo kale ku soo beegmay wax yar ka dib markii caasimadda Hargeysa lagu soo gunaanaday shirweynihii beelaha Garxajis wax badanna beelahaasi guddoomiye Cirro ka weydiiyeen arrimaha xisbiga, taageeradiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed taasoo dad ku dhawdhaw xisbigaasi sheegeen in Guddoomiye Cirro iyo beelaha taageerada siiyaa ku kala aragti duwanaadeen qaabka xisbigaasi ku doonayo inuu ku helo kusriga ugu sarreeya dalka markay doorashooyinku dhacaan, khilaaf arrimahaasi iyo kuwa la xidhiidha shirweynaha xisbigu ku kala saari lahaa musharraxiinta mansabka Madaxweyne ku xigeenka ee iska soo daba dhacayana uu Axmed Muuin Seed doonayo inuu qaado jiho kale oo uu kaga nasto is aamin la’aan soo kala dhex gashay Guddoomiye Cirro kuna saabsan mugdiga iyo muranka uu geliyey musharraxnimada Axmed Muumin Seed ee mansabkaasi.

Sida ay sheegayaan warar kale oo aan la xaqiijin, safarka Axmed Muumin Seed ee dalka Jabuuti ayaa la sheegeyaa inuu yahay mid meel kale laga hagayey, lana doonayo in Jabuuti oo ay Cirro aad isku wanaagsanaayeen wakhtiyo qaarkood haatan mugdi badani soo kala dhex galay, dad badan oo ku daba fayshan xisbigaasina haatan doonayaan in musharraxnimada mansabka Madaxweynaha ee Guddoomiye Cirro muran la geliyo, tartanna lala galo. Jabuuti iyo Axmed muumin Seedna lala hoos galo sidii loo fulin lahaa tallabadaasi, meeshana aan laga saari karin in guddoomiye Cirro lagaga xoog roonaado musharraxnimada mansabka Madaxweynaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.