WorldRemitAds

Nin xanuunka lafaha burburiyaa ku dhacay oo muddo laga joogo sadax sanadood dhakhaatiirtu u sheegtay inuu labo bilood oo kaliya, noolaan doono, ayaa markii sadex sanadood ka soo wareegtay, bilaabay safar uu baaskiilkiisa nooca dadka naafadu raacaan ah, uu qaadhaan ugu ururinayo xarumaha lagu daryeelo dadka naafada ah.

Ninkan oo lagu magacaabo, Calum Ferguson, da’diisuna tahay lix iyo konton jir, ayaa ka yaabiyay, dhakhaatiirta waddankiisa iyo kuwa caalamiga ah ee baadhitaan ay ku sameeyeen muddo sadex sanadood laga joogu ugu sheegay in wax ka yar lix todobaad oo kaliya uu sii noolaan karo, waxaanu sadex sanadood ka dib ku guulaystay inuu kun mayl ku socdaalo baaskiil curyaanka uu raaco, qaadhaan lacageedna u ururiyo xarumaha lagu daryeelo dadka xanuunka lafaha burburiya ee noociisa oo kale ahi hayo.

Calum Ferguson, ayaa awooday inuu ururiyo qaadhaan gaadhaya  £60,000, taas oo marka dollar laga dhigo noqonaysa shan iyo sagaashan kun oo dollar, waxaanu lacagtan oo uu ku talo jiro, inuu ilaa boqol kun oo giniga Ingiriiska ah gaadhsiiyo u ururinayaa xarunta dadka noociisa oo kale ah lagu daweeyo ee Motor Neurone Disease (MND).

SomlegalAds

Taas oo sida uu sheegay aan marna maskaxdiisa ka bixin tan iyo intii uu dhibaatada xanuunkani hayay, waxaanu sheegay in gurmad wayn loo fidiyo xaruntaas iyo dadka dhibaatada noocan oo kale ahi hayso.

Calum-Ferguson-mainFerguson ayaa aad ugu faraxsan in aanu ku dhiman lixdii todobaad ee ay dhakhaatiirtu u sheegtay inay nolosha uga hadhay, taas aan rumoobin oo sida uu sheegay Alle ka badbaadiyay, marka wakhtigiisu dhamaadana uu dhiman doono.

Ninkan ayaa u dhashay dalka Ingiriiska, waxaanu ka mid yahay dad tiro badan oo ka mid ah muwaadiniinta dalkaas oo xanuunka lafaha ridqa ee sida daran loogu naafoobaa ku dhacay, kuwaas oo saynis yahanka ugu cilmiga badan casrigan ee uu ka mid yahay.

Sanadkii 2011-kii ayuu xanuunkani ku dhacay Ferguson, wakhtigaas oo uu ahaa nin ganacsade ah oo ku nool dalka Maraykanka, carruur iyo xaasna leh, balse mar qudha xaaladiisu bukaan iyo qof dhibaataysan ay isku badashay, wallow carruurtiisi sadexda ahayd iyo xaaskiisi ay u samreen oo ay wali noloshiisa daryeelkeeda ka shaqeeyaan kuna garab taagan yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.