WorldRemitAds

Sida wakaaladaha wararka badankoodu ku warameen, booliska dalka Maraykanka ayaa helay maydka nin oday ah, oo ku dhintay waab yar oo cooshad ah, kaas oo uu ka dhex dhistay meel kayn ah oo uu deganaa kuna noolaan jiray.

Goobta laga helay ninkan oo aan haba yaraatee lahayn waxyaabaha aasaasiga u ah, nolosha sida biyo nadiif ah, qalabka kulaylka dhaliya ee dhaxanta laga dugsado iyo musqul toona, waxaanay boolisku la yaabeen, ka dib markii ay ogaadeen in ninkaasi haystay lacag malaayin dollar ah oo sanduuqiisa baanka ugu jirtay.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay George Konayat da’diisana la sheegay inay ahayd (79-jir), ayaa sida jariirada Journal News ku warantay, waxa isaga oo mayd ah laga helay, meel kayn ah oo uu ku noolaa wakhtiyadii ugu danbeeyay, lamana garan karayo ilaa wali sababta dhimashadiisa sababtay.

SomlegalAds

Dooxada laga helay maydka ninkan oo lagu magacaabo Loire Valley Hudson ee degaanka New York, waxa ka muuqday maydkiisa, daranyo badan, waxaanu qof booliska ka tirsan oo warbaahinta u waramay uu sheegay in ninkaasi u noolaa sidii dadka Raahibiinta ah ee ka go’ay dunida.

Ninkan xalaada daranyada ah u dhintay ayaa la sheegay in bangiga ay u taalay lacag ilaa afar milyan ku dhow dhow, taas oo sadex milyan oo ka mid ah uu ka helay, dhul beereed uu lahaa oo uu sanad ka hor iibshay, 13 Hectors, laakiin lacagtaasi waxba umay tarin oo wuxuu kaga dhintay dar xumo nololeed.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degaanada dooxada ninkaasi ku dhintay ku nool, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkaasi xaalad nololeed oo adag ku noolaa, ayna arki jireen isagoo xaabo guranaya si uu qabowga xooga leh ee dooxadaas ka dhaca uga dugsado, iyagoo sheegay inay moodayeen inuu muhaajir yahay oo aanu hoy iyo qoys midna lahayn, balse ay aad uga yaabeen markii ay ogaadeen in lacag badani baanka u taalay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.