WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 14, 2015 (Saxafi) – “Rag Cadaalad Waayey Sidii Cawsha Kala Yaac.” Weedhaasi waxay ka mid ahay hadal uu jeediyay Madaxweyne Axmed Siillaanyo, mar uu shalay soo kormeeray hay’adaha cadaaladda, isagoo soo maray Maxkamadda sare, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada, Xeer ilaalinta Guud iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka .

Madaxweynaha ayaa kormeerkan ku sheegay inuu doonayo sidii looga midho dhalinlahaa in dalku noqdo mid u hogaansan laguna hago cadaalada, isla markaana ku booriyey inay cadaaladda ilaashadaan.  “Madaxweyne waxaa sharaf noo ah inaad maanta annagoo bahdii Cadaalada ah oo midaysan waayo sidaad aragto wasiirkii cadaaladu waa kaa ku baal fadhiya, xeer ilaaliyaha guud ee qarankuna waa kaa inaad maanta soo booqato bahdii cadaaalada iyo garsoorka oo ay tahay markii ugu horaysay ee Madaxweyne kursiga ku fadhiyaa uu kormeer shaqo ama lugtiisa ku soo marayo garsoorka iyo cadaalada guud ahaan”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali oo kulankii madaxweynaha ka hadlayey.
aadan-Xaaji-iyo-madaxweyne-siilaanyoWaxaanu intaas ku daray “Taalaabadani waxay ku tusaysaa inaad barbar taagan tahay dib u habaynta cadaalada ee socota iyo talaabooyinkii aynu qaadnay haday Maxkamda sare tahay, haday maxkamadaha hoose tahay iyo haday guddiga cadaalada tahayba. markaa taa xoogbaan kuugu soo dhawaynaynaa, kaaga mahad naqaynaa meeshana kolay adiga laguu sheegi maayoo berigii aad xubinta baarlamaanka ahayd hoolkaad fadhiisan jirtay waa halkan oo imikaan sii mari doonaa meel kugu cusub maaha, Laakiin dib u habayn weyn oo cadaaladeed baanu wadnaa anagoo bahdayadii oo dhan ah, waxaa ugu danbeeyey waxaan bishii dhawayd ee 11-aad booqanay goboalda galbeedka oo dhan, waxaanu soo marnay Maxkamadihii, Xabsiyadii iyo meel kasta oo ay cadaaladu shaqo ku leedahay waanu dardar gelinay qof waloo maxbuusa oo xidhan waanu is dul taagnay waxaanu waydiinay sababtuu u xidhan yahay si layaable bay noogu soo dhaweeyeen, waxaanu aragnay shaqo fiican oo xaga cadaalada ah haday tahay Booliiska haday tahay Asluubta iyo haday tahay garsoorka iyo xeer ilaalinta iyo wasaarada cadaalada iyaduna qeybtii fulintii iyo maamulkii ka tirsan”
Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Cadaaadda iyo Garsoorka Axmed Faarax Cadare, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waa markii ugu horaysay ee ay suurta gasho in Madaxweyne xil hayaa uu soo booqdo waxay ka turjumaysaa markii ugu horaysay eed xilka qabatay waxa ugu horeeyey eed bilowday wuxuu ahaa cadaaalada in dib u habayn lagu sameeyo tiibaa maanta noo ah sharaf inaad goobjoog u ahaato oo kormeer ku soo marto oo aad hubiso halka ay marayso, waxaa kale oo madaxweyne noo suurta galay saddexda dhardhaar ee cadaaladu hogaaminaysaa in aanu israacnay taariikhda hore umay dhicin, runtii waxaanu iska dhignay Arrimaha shakhsiyada ee noo yaalay danta qaranka in loo midoobaa iyadoo hay”ad kastaa shaqadeeda u madax banaan tahay”.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan  ayaa isna soo dhoweeyey booqashadda madaxweynaha.

Ugu dambeyntii madaxweyne Siillaanyo ayaa bahda cadaaladda ku bogaadiyey siday u shaqaynayaan, waxaanu yidhi “Aniga Farxad weyn bay ii tahay maanta inaan halkan bahda cadaalada kusoo siyaarano oo aanu ka dhegaysano xogwaran buuxa aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin hawl aad iyo aad u weyn baad qaranka u haysaan nin baa wuxuu yidhi ragg cadaalad waayey sidii cawsha kala yaacye, cadaaladu waa muhiim waa hawsha qaranku ku socdo ummaddu ku socoto dadkuna ku fadhiyo ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hawshaa idinla qabto dadka iyo qaranka hawsha aad u haysaana waan idiinka mahad celinaynaa aad iyo aad baan idiinku mahadinayaa”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.