WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 27, 2015 (Saxafi) – Ololaha Cashuur ururinta dawladda hoose ee Hargeysa ku ururinayso cashuuraha ku baaqday dadweynaha ayaa ka bilowday degmaddii toddobaad oo ah degmada Maxamed Mooge.

Ololahan waxa hor kacayey ku simaha maayarka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne, Xogyaha dawladda hoose Ibraahim Axmed Raabi iyo xildhibaanadda golaha deegaanka badankoodda.
Cago weyneUgu horeyn Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi ayaa bulshadda degmadda Maxamed Mooge ugu baaqay inay cashuurta iska soo bixiyaan, waxaanu yidhi “ waxa ololihi cashuur ururintu ka bilaabantay degmadan aynu joogno ee Maxamed Mooge, waa degmadii 7aad ee uu ka bilaabmo, iyadoo lixdii horana uu ka socdo, cashuur ururintu waa waajibaad qaran waa wixii hawsha lagu qabanayey ee wadooyinka iyo adeegyadda kale lagu qaban lahaa, waxaan idinka codsanayaa in kooxaha cashuurta ururinaya gacan ku siisaan, degmooyinkii kale ee sida hagar la’aanta ah noola shaqeeyey waxaan halkan u marinaynaa hambalyo. ”
Maayar ku xigeenka ahna ku simaha maayarka Cabdicasiis Maxamed Cago weyne, ayaa sheegay inay jiraan guryo sharci daro oo dhisay iyo kuwo aan cashuurta bixin, waxaanu usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan intan ololuhu jiro si loogu sharciyeeyo, iyadoo gurigooda loogu dhex samayn doonno sharciga.
Sidoo kale, waxa uu dadweynaha degmaddan Maxamed Mooge ku baraarujiyey inay cashuurta bixiyaan si ay u helaan adeegyaddii looga baahnaa degmooyinkan, maadaama oo degmooyinku tartamayaan sidii ay u kala cashuur bixiyaana wax loogu qabanayo.
Ku simaha maayarka Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waanu ognahay in guryo badan oo sharci daro lagu dhisay ay jiraan, waanu ognahay in guryo badan oo cashuurtii laga shubin jiraan, sidaa awgeed lama ganaaxeeyo si caruurtaada uga dhimato gurigii oo sharci leh dhakhso guryaha usoo sharciyeysta, waxaanu soo galinay sideeddii gudoomiye degmo ee caasimadu ka kooban tahay, agaasimeyaal iyo shan boqol oo shaqaale oo qof kasta guriga ugu iminaya oo jiwankii sharciyeynta u jaraya oo qofkii jilicsan markiiba u dhamaynaya, waxa jira dhul badan oo dawladda hoose warshaddo u bixisay oo inta dayrar lagu xidhay la iskaga tagay oo qaarkood Yurub iyo Maraykan la iskaga tagay Decemantigoodii, ka yeeli mayno soomaalidu waxay tidhaahda inan baa doonanaan diiday ee dhulku doonaan aqbali maayo, waxxaanu ballanqaadaynaa inta ka qaadno inaan ka u baahan siinno”.
Dhinaca degmadda Maxamuud Haybe ayaa iyaduna laga bilaabay benaynta 16 waddo, taas oo ay kor kacayeen xildhibaanaddii laga soo doortay iyo maayar ku xigeenka caasimadda Cago weyne.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.