WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland December 27, 2015 (Saxafi) – Xildhibaan Mataan Muxumed Hoori ayaa xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyey inay siyaasaddii arrimaha dibaddu ku socotay wax laga bedelayo oo loo jeestay in Xamar lala mideeyo Somaliland.Xildhibaan HooriXildhibaan Mataan Muxumed Hoori, ayaa waxa uu yidhi “Farxad ayaan kala dilaacsanay, markaan arkay Tolkay oo oodda soo jabiyey, Hargeysa Bari way naga soo horeysay, Hargeysa Waqooyi waa nimanka inoogu lacagta baddan, waan ogahay inaanay inaga fogayn inta inala joogta mooyaane inta inaga maqana waynu ka shaqeynaynaa inay Xisbiga yimaadaan oo kamana maarano. Waddankan umaddiisa dhibaato ayaa la soo mariyay oo waanu u adkeysanay, waxa dhacday in dhaqaalihii umadda lagu ururiyay laba qof oo raaska Madaxweynaha ah oo baayacmushtarigii kale oodhan la kiciyay. Siyaasada haddii lagala dagaalamo waa la isku dilaa, laakiin in noloshii lagala dagaalamo umaddii waa wax ayaan-darro ah. Waxaas ciddii ku kacda ayaa ku ceeboobaysa. ”
Waxa kale oo uu Xildhibaan Hoori oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dagaalka ugu xumi waxa uu ka dhacayaa Xamartaa la wad-wado, intii dawladaasi jirtay waxa laga shaqeynayaa sidii XAMAR iyo Hargeysa loo mideyn lahaa. Waa qorshe qarsoon oo jira oo maalinba in ayaa inoo soo if-baxaysa, taanu ka dagaalanay waa taas. WALAAHI inaan taa ka dagaal la’aanayn, hadaan laga joogsanin oo aan umadda loo caddeynin inaanay waxaasi jirin. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.