WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 27, 2015 (Saxafi)-Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa dawladda ka codsatay inay ka noqoto eedaha ka dhanka ah suxufiiyinta wargeyska HUBSAD.

hrcWar-saxafadeed uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha hay’ada xuquuqul insaanka Somaliland Guleid Axmed Jaamac ayaa u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay la noqoto eedaha ka dhanka ah suxufiyiinta wargeyska Hubsad. Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha Hubsad, iyo Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha guud ee Hubsad, waxa lagu xidhay 30kii November magaalada Hargeysa. Waxa damaanad lagu sii daayey 3dii December. Balse waxa weli ku socota dacwad ciqaab ah oo ka furan Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Waxa lagu eedeeyey suxufiyiinta inay soo saareen wargeys aan ruqsad haysan. Ma jirto wax dacwad maxkamadeed ah oo go’aamisay in diiwaangelinta wargeysku ay tahay mid sharci darro ah. Hubsad waa wargeys diiwaangashan, balse waxa is bedel ku yimi mulkiilaha iyo hogaanka, sida ay noo sheegeen suxufiyiinta Hubsad ayna cadaynayaan dhokumentiyo ay aragtay Xaruntu. Cabdirashiid iyo Siciid waxa laga xidhay Xafiiska Xeer-ilaalinta 30kii November kadib markii ay u tageen si ay u diiwangeliyaan is-bedelka. Haseyeeshee, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa islamarkiiba ka xidhay Xafiiskiisa. Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa u xilsaaran diiwaangelinta saxaafadda, sida ku cad qodobka 6aad ee Xeerka Saxaafadda.
Eedaha loo haysto suxufiyiintu waa kuwo qalloocan. Sida ay cadaynayaan dhokumentiyo dawladdu soo saaratay Hubsad waxa loo diiwaangeliyay 2010kii si waafaqsan Xeerka Saxaafadda Somaliland. Ma jiro xeer waajib ka dhigaya in dib loo diiwaangeliyo wargeysyada hadii is bedel ku yimaado maamulka ama mulkiilaha. Sharcigu ma sheegayo in la xidho wargeysyada hadii tafatirayaashu ay ka tagaan.
 Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo ah xafiiska diiwaangeliya saxaafada oo suxufiyiinta Hubsad ay dhex martay dood sharci ayaa go’aan ku gaadhay inuu ku soo oogo dacwad ciqaab ah. Tani waxay ka soo horjeedda dhex-dhexaadnimada. Waa wax aan la aqbali karin in xafiiska Xeer-ilaalintu uu ku soo oogo dacwad ciddi ay is-diidaan. Maxkamadaha ayaa awood sharci u leh inay ka go’aan gaadhaan in dooda Xeer-ilaaliyuhu ay tahay mid sabab sharci leh iyo in kale. Sidaasdarteed, arinku waa mid madani ah oo aan wax xidhiidh ah la lahayn dacwad ciqaab ah.
 Wargeyska Hubsad waa wargeyskii labaad ee laga mamnuuco Somaliland. Wargeyska Haatuf ayaa sidoo kale la xayiray April 2014 oo welina xayiran.
 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dawladda Somaliland ka codsanaysaa inay la noqoto dhamaan eedaha ka dhanka ah suxufiyiinta Hubsad iyo inay ogolaato in wargeyska Hubsad dib u hawlgalo. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.