WorldRemitAds

Baadariga ugu sareeya diinta Kiristaanka Pope Francois ayaa noqday baadarigii ugu horeeyay ee booqda, xarunta Musheekhda Azhar ee dalka Masar, oo wakhtigan ah xarunta mad-habta Suniga ee diinta Islaamka ugu saraysa, taariikh wayna ku leh muslimiinta.

Baadarigan oo booqasho rasmi ahi uga bilaabantay dalka Masar, ayaa isagoo ka jawaabaya marti qaadkii uu Sheekha Culima u diinka Azhar Ahmed Daib u sameeyay, markii uu booqashadiisi ugu horeeyay bilowgii sanadkan ku tagay, xarunta diinta Kiristaanka looga taliyo ee Vatican-ka loogu yeedho.

Baadariga ayaa booqan doono goobaha taariikhiga ah ee magaalada Qaahira iyo hareeraheeda ku yaala, waxaanu dalkaas ku joogi doona, booqasho dhawr iyo labaatan saacadood wakhtigeedu yahay, markii uu booqday xarunta Musheekhda Azhar ee “Mashiikha” loogu yeedho, ayuu baadarigu aad ula amakaagay, waxaanu muujiyay sida meel kasta oo bariga dhexe ku taala u tahay taariikhi raad wayn ku leh iimaanka aadamiga.

SomlegalAds

Baadariga ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee culimada Azhar u soo dhaweeyeen, waxaanu ku dooday in haddii ay iskaashi sameeyaan iskuna soo dhawaadaan Labada diimood ee ugu taabiciyiinta badan diimaha dunida laga aaminsan yahay, oo Islaamka iyo Kiristaanka ah, ay dunidu nabad galyo badan heli doonto, dadka xumaanta wadaana yaraan doonaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.