WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland September 9, 2016 (Saxafi) – Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin ayaa naqdiyey guddi dhowaan lagaga dhowaaqay magaaladda Hargeysa oo ka shaqayn doonna arrimaha ku saabsan khilaafka doorashooyinka xalin doona, waxaanu guddidaasi ku tilmaamay kuwo sharciyadda wadanka ka hor imanaya.

Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in xalinta khilaafaadka uu dastuurku siiyey bahda garsoorka iyo maxkamadda dastuuriga ah oo uu xusay inay xaq u leedahay ka garnaqista wixii khilaaf ah ee yimaadda.

Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin oo shalay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigani ay ku dhowaaqeen ururka aan dowliga ahayn ee SONSAF ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay afduubeen hawsha dastuuriga ah ee maxkamada sare lahayd, islamarkaana loo baahnayn gudigan, maadaama waaxyihii garsoorka dalku uu jiro, waxana hadalkiisu u dhigna sidan “Waxa aanu samaysanay dowlad (Alxamdulilah rabil caalaamin), inkastoo dowladeena la aqoonsanayn, hadanase tiirar adag bay ku taagan tahay, dowladdu waa in ay dhismayaashii dowladdnimo ay leedahay, Laakiin, inagu taa waynu ka gudubnay oo marka waxa ay tahay in aynu kobcino oo kobcintii ayeynu ku jirnaa  wakhtigan, in kastoo sida runtii ah aynu gaabis nahay oo aad iyo aad u gaabinay.

SomlegalAds

Marka waaxaha waxa ka mid ah waa waaxda sharci dejinta, Garsoorka iyo fulinta sadexdooduna way shaqeeyaan masasalada khilaafka ka yimaada waxa u xil saaran waaxda Garsoorka, marka dee uu khilaaf  yimaado waxa aanu leenahay maxkamad dastuuri ah oo ka go’aan gaadhi karta. Waana curfiga sida dhaqanka  caalamiga ah dunida ka jira ayaa lagu dhaqmaa, iyadoo maxkamadu ay jirto in guddi la sameeyo oo la yidhaa arrinta khilaafaadka hadday yimaadaan ayey galaysaa anigu ka dib markii lagu dhowaaqay aan ka daba tagay ayaa la  ii sheegay in qoladan ururka la yidhaa SONSAF dad Somaliland ah ay isugu yeedheen oo fikradoodu ka timid gudigaasi.

Haddii aan laga hor tegin oo aan laga daba tegin oo dhibaatooyin aanay jirin, iyadoo arrinkaasi uu yahay ka hor tag iyadoo gudigani aanay wakhti xaadirkan la wareegayn hawlihii maxkamada dastuuriga ah waa guddi haddii loo baahdo, marka haddii ay taagan tahay haddii loo baahdo marka waxa runtii weeyaan wax wayn oo meesha yaalaa ma jirto. Laakiin, anigu waxa aan qabaa in aynaan uba baahan gudiyada noocaas, waayo qaab-dhismeedka dowladeenu ku dhisan ee maxkamada dastuuriga ah iyo sharci dejinta oo wixii ay doorashooyin dalka ka dhacay ay ku saabsan tahay.”

Si kastaba ha ahaatee, daladda SONSAF ayaa magacowday xubno ay ku sheegtay inay ka garnaqi doonto doorashoooyinka oo ka socda ururadda bulshadda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.