WorldRemitAds

Oslo, Norway November 21, 2016 (Saxafi) – Dowlada Norway ayaa shaaca ka qaaday dhowr toddobaad ka hor in ay qaxoonti u dhashay dalka Somalia ay dalkoodi u celinayso bishi Oktoober, haseyeeshee waxa go’aankaasi Norway ka soo hor jeestay hay’dda u qaabilsan Qaramada Madoobey arrimaha qaxoontiga UNHCR, taas oo uga digtay fulinta dib u celinta qaxoontiga, waxaanay ka codsadeen inay go’aankaasi ka noqdaaan ay hore u gaadheen.

Wasiirka laanta socdaalka dalka Norway Sylvi Listhaug ayaa bishii Oktoober sheegay in dowlada Norway go’aamisay in ka badan 1,600 qof oo Somali ah kuna nool dalka Norway ay tahay in sharciga loo diido, iyadoo xaaladda dalka Somalia wakhti xaadirkan ay degen tahay, waxana sidoo kale masuuliyinta hay’adda UNHCR waraaq u direen masuuliyiinta dowlada Norway kuna taariikhaysan November 7,taas oo la baahiyey arbacaddii ina dhaaftay lagu xusay in xaalada amaanka magaalada Muqdisho ay ka fogtahay deganaasho, islamarkaana damaanad u noqonayn go’aanka xukuumada Norway qaaday. Waxa kale oo ku xusna waraaqda in laba maalmood ka hor waraaqda la dirin, qarax ismaamiidamin ah loo adeegsaday baabuur kana dhacay meel u dhow xarunta barlaamanka ee dalka Somalia ayaa tirada dhimashada lagu sheegay 20 qof ay ka mid ahayeen laba askar.

Hay’da UNHCR ayaa ku boogadiisay wadamada skadineviyanka (Scandinavia) in aanay qaadin talaabada dadka qaxoontiga ah ee ka soo jeeda dalka Somalia, waxana ka mid ah 120 ka qaxoonti qoys caruur aan qaan-gaadhin la gaadhsiyey ama lagu wargeliye in loo mustafirinayo dalka Somalia.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.